RASMI: Mohamed Salah Oo Loo Magacaabay Kabtanka Xulka Masar & Dhaqanka Mudada Dheer Jiray Ee Isaga Loo Bedelay

Weeraryahan Mohamed Salah ayaa ugu dambayn war wanaagsan helay xilli uu wakhti adag xilli ciyaareedkan la marayo kooxdiisa Liverpool iyada oo loo magacaabay kabtanka xulkiisa Egypt.

Mohamed ayaa ah ciyaaryahanka hormoodka u ah xulka qaranka Faraaciimta isaga oo 70 kulan usoo ciyaaray tartamada oo dhan isla markaana 45 gool usoo dhaliyay.

Image

Mohamed ayaa marka laga dhigayay kabtanka Masar loo bedelay dhaqan weyn oo soo jireen ahaa kaas oo ahaa in xidhiidhka kubadda cagta Masar ay kabtankooda markasta ka dhigi jireen xiddiga da’ ahaan ugu weyn ee kulanka ka qayb qaadanaya.

Si kastaba, kaddib wadahadalo ay yeesheen shaqsiyaadka u arrimiya kubadda cagta Masar waxa ay isla garteen in Salah oo 28 sano jir ah ay ka dhigaan kabtanka rasmiga ah ee xulka.

Tababaraha xulka ee Hossam Al-Badry oo go’aankaas ka hadlayay ayaa sheegay inay rabaan xasilooni iyo degenaansho dhinacyo kala duwan ah oo uu kamid yahay dhinaca kabtanka kooxdu kahor koobka aduunka ee 2022.

“Waxaanu qaadanay go’aankan maadaama oo hawl-galada soo socdaa ay u baahan yihiin xasilooni badan oo kooxda dhexdeeda ah, oo ay kamid tahay kabtanimadu, kahor kulamada isreeb-reebka ee koobka aduunka 2022” ayuu yidhi Al-Badry.

Salah oo ah gool dhaliyaha labaad ee ugu sarreeya taariikhda kubadda cagta Masar ayaa Liverpool hore uga soo caawiyay ku guuleysiga Premier League iyo Champions League.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

  1. 43 goal ayu u dhaliyey maser waana kan labaad e ugu goolasha badan, Hossam Hassan aya isagu ugu goolal badna 68 goal dhaliyey.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*