RASMI: Man City Oo La Saxeexatay “Lionel Messi-ga Cusub”, Kooxda Uu Ka Imanayo & Wakhtiga Uu Kusoo Biirayo

Kooxda Manchester City ayaa la saxeexatay da’yarka kooxda Estudiantes ee Dario Sarmiento kaas oo lagu naanayso “Mini-Messi” amaba Messi-ga yar.

18 sano jirkaas garabka weerar ah ayaa lala bar-bardhigay xiddiga ay Argentina kasoo wada jeedaan iyadoo laga eegayo xawaarihiisa dheereeya iyo awoodiisa marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto.

Man City set to sign Argentinian wonderkid Darío Sarmiento

Manchester City ayaa ahayd mid in mudo ah isha ku haysay xaalada Dario Sarmiento waxaana ay bilaabeen wadahadalada ay kula saxeexanayaan bishii December ee sanadkii hore sida uu sheegay wargeyska Sportsmail.

Dario Sarmiento ayaa ku biiri doona kooxda hoggaaminaysa Premier League suuqa xagaaga sanadkan sida ay sheegtay kooxdiisa Estudiantes oo xaqiijisay inay ku iibisay heshiis 5.2 Milyan pound ah oo gunnooyin lagu dari doono.

Sarmiento ayaa ah 18 sano jir ku ciyaara lugta bidix, dhererkiisu kaliya waa 5.6 waxaana uu kamid yahay xulka da’yarta Argentina taas oo muujinaysa inay aad ugu fuursadeen dadka la bar-bardhigay Messi.

Da’yarkan oo kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdiisa Estudiantes ciyaaray isaga oo kaliya 16 sano jir ah ayaa ah mid kalsooni fiican leh marka uu kubadda haysto isaga oo leh awood goysmo oo sarre isla markaana soo bandhigay kulamo kooxdiisa ah.

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Chelsea ee Juan Sebastian Veron oo dhawaan ka hadlay Dario Sarmiento ayaa sheegay inuu da’yarkaasi yahay mid mustaqbal fiican leh.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*