RASMI: Liverpool Oo Shaacisay SADDEX Ciyaartoy Oo Kooxda Koowaad Ah Oo Maanta Ka Tegay Anfield

Liverpool ayaa si rasmi ah u macasalaamaysay saddex ka mid ah ciyaartoydeeda koowaad ka tegay maanta oo Arbaco ahayd, kuwaas oo iskugu jiray xiddigo waaweyn oo laf-dhabar u ahaa iyo kuwo aan qayb weyn ku lahayn safka tababare Jurgen Klopp.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd June 30, waxay ku beegnayd xilligii ay ku ekaayeen heshiisyada ciyaartoyda sida xorta ah ku tegaya iyo kuwa amaahda ahaa ee waqtigoodii dhamaaday.

kLOPP 2

Iyadoo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan uu furan yahay, tababare Jurgen Klopp ayaa dibu-habayn ku samaynaya kooxdiisa iyadoo qaarkoodna uu macasalaamaynayo, kuwo kale oo amaah ku maqanna uu go’aan ka gaadhayo, halka uu suuqa ka raadsanayo ciyaartooyo kale oo uu isku xoojiyo.

Sida ay Liverpool sheegtay, saddex ciyaartoy ayaa maanta ka tirtirmay liiska ciyaartoygeeda, iyagoo sii macasalaameeyey.

Laacibiintan ayaa waxa ugu horreeye xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Gini Wijnaldum oo shan sannadood oo uu joogay Anfield kaddib si xor ah kaga tegaya, kuna biiray Paris Saint-Germain oo uu heshiis u saxeexay.

Wijnaldum ayaa diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Liverpool, waxaanu doorbiday inuu soo afjaro waayihiisa Anfield, waxaana ku loollamay Bayern Munich, Juventus, Inter Milan iyo Barcelona, hase yeeshee waxa uu doortay PSG.

Ciyaartoyga labaad ayaa ah Yasser Larouci oo Liverpool ay u bandhigtay heshiis cusub, laakiin iska diiday oo ka tegaya.

Xiddiga saddexaad ee ay Liverpool macasalaamaysay ayaa waxa uu yahay Ozan Kabak oo bishii February ay heshiis amaah ah kagala soo wareegeen Schalke 04, isla markaana 13 kulan oo uu saftay kaddib dib ugu laabanaya naadigiisii hore. Liverpool ayaan fulinin qodob ku jiray heshiiska oo ahaa in £18 milyan oo Gini ay ku iibsan karto.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*