RASMI: Lionel Messi Oo Caawa Saqda Dhexe Xor Ka Noqonaya Barcelona

Lionel Messi ayaa xor ka noqonaya Barcelona saqda dhexe ee caawa. Waa maalintii ugu dambaysay ee heshiiska uu kula jiro kooxda reer Spain, waxaanu noqon karaa dhamaadka waayihiisii Camp Nou.

Inkasta oo uu Madaxweyne Joan Laporta soo laabtay bishii March iyadoo ahmiyaddiisa koowaad tahay in Messi uu kooxda kusii hayo, haddana xiddiga ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda uguna wanaagsanaa ayay illaa hadda la gaadhi waayeen heshiis.

Lionel Messi

Messi waxa uu doonayey inuu iska tago

Lionel Messi waxa uu doonayay inuu iska tago xagaagii hore, si xad ayaanu warbaahinta ugu sheegay, laakiin Madaxweynihii hore ee Josep Maria Bartomeu oo ciyaaray dheel halis ahayd oo uu ku joojiyey, kaddib markii uu sheegay in warqaddii uu laacibkani uu go’aankiisa ku shaacinayay, uu ugaga jawaabay mid ka dib-dhacday waqtigeedii. Shuruudda adag ee xidhay ayaa ahayd, in ay timaaddo koox bixisa 700 milyan oo Euro oo qandaraaskiisa lagu burburin karayay, amaba uu isagu shaqsiyan bixiyo si uu u tago, haddii kalena uu sii joogo.

Laporta ayaa markii loo doortay madaxweynaha ee uu beddelay Bartomeu, waxa uu ogaa in arrinta ugu weyn ee uu waajahayo ay tahay in uu xalliyo dhibaatada  heshiiska Messi, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii uu kooxda ugu sii hayn lahaa.

Si kastaba, afar bilood oo uu xilka hayay Laporta, waxa uu xaqiijin kari waayey in Lionel Messi uu heshiis cusub ka saxeexo, waxaanay xaqiiqadii jamaahiirtu ka baqayeen imanaysaa caawa khadka dhexe oo uu laacibkani xor ka noqonayo Barcelona.

Laporta wuxuu la leeyahay Lionel Messi iyo aabbihii xidhiidh wanaagsan, waxaanay u wada-hadlaan si joogto ah, laakiin marka ay noqoto arrinta heshiis laacibkan kusii haya kooxda, waxa imanaya kala-duwanaansho iyo farqi weyn oo u dhexeya.

Labada dhinac ayaa haysta dhawrka maalmood ee soo socda si ay meesha uga saaraan farqigooda, heshiisna u gaadhaan, haddii kale, Laporta ayaa waajiyi doona waji-gabaxii ugu weynaa isagoo qiran doona in uu ku guul-darraystay in uu kooxda kusii hayo Lionel Messi oo wali si xor ah uga tegaya.

Si kastaba, caawa waa June 30, saqda dhexe ayaanu ku egyahay heshiiskii Lionel Messi kula jiray Barcelona. Marka la gaadho 12ka habeennimo, xiddiga reer Argentina ma aha ciyaartoy Barcelona ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*