RASMI: Liiska Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Valladolid Ee Caawa, Laba Ka Maqan & Fursadooda El-Clasico

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb gelaya kulanka ay caawa gegida Camp Nou kusoo dhawaynayaan dhigooda Real Valladolid.

Laba xiddig oo muhiim ah oo ka maqan Barcelona ciyaarta caawa ayaa noqonaya Gerard Pique iyo Sergi Roberto, labada ciyaaryahan ayaa ahaa kuwo tababarka la samaynayay kooxda muddooyinkan ugu dambeeyay.

Image

Tababaraha Dutch-ka ah ayaa caddeeyay intuu uu ku jiray shirkii jaraa’id ee ka horreeyay kulankan inuusan doonayn inuu wax halis ah geliyo xiddigahaas iyadoo uu kusoo socdo kulanka El-Clasico oo ay Real Madrid booqayaan toddobaadka dambe.

Pique iyo Roberto ayaa labaduba fursad fiican u haysta inay kasoo muuqdaan kulankaas, tababare Koeman ayaa doonaya inuu ciyaaryahanadiisa maqan kaliya garoonka kusoo celiyo marka ay xaalada taam ahaansho ee ugu sarreysa ku jiraan.

Sidoo kale xulashada Koeman ayuu ka maqan yahay goolhaye Neto kaas oo ay jugi ku gaadhay tababarka kooxdiisa 22-kii bishii March, si lamid ah Philippe Coutinho iyo Ansumane Fati ayaa wali dhaawacyo ku maqan.

Liiska Oo Sawir Ah

Image

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*