RASMI: Kulamada Horyaalka Premier League Ee Isbeddel Lagu Sameeyey & Waqtiga La Ciyaarayo

Maamulka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey isbeddel lagu sameeyey 20ka kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedkan, kuwaas oo loo ogolaanayo in taageereyaashu ay soo galaan garoomada.

Si waafaqsan habraaca dawladda u dejisay xakamaynta fayraska Korona, waxa Premier League uu qorsheeyey in xilli ciyaareedka lagu soo xidho taageereyaal garoomada jooga, waxaana kulamada ugu dambeeya lagu beegay waqtiga dawladdu khafiifinayso xayiraadaha xakamaynta xanuunka.

Badhtamaha bishan May ayay dawladdu fududayn doontaa xayiraadaha, waxaana la ogolaan doonaa in garoomada ay yimaaddaan illaa 10,000 qof amaba afar meeloodow hal meel mugga qaadka garoonka, waxaanay taasi keentay kulamadii kasoo horreyn lahaa waqtigaas dib loogu beego waqtiga ay dawladdu fasaxday jamaahiirta.

Dawladda oo sidoo kale ogolaanaysa in 500 qof oo taageereyaal ah ay koox waliba dibedda u kaxaysan karto kulamada 37aad iyo 38aad ee xilli ciyaareedkan lagu soo xidhayo, sida uu shaaciyey Premier League, waxa ciyaarahaas lagu beegay waqtiga la qaadayo xayiraadaha mamnuucaya isku imaatinka dadka.

Kulamada 37aad ayaa la ciyaari doonaa May 19/19, halka kulamada lagu soo xidhayo xilli ciyaareedka ee 38aad dhamaantood ay isku waqti soo wada dhici doonaan, waxaana la ciyaari doonaa May 23.

Waqtiga ama saacadda ay kulamadani dhacayaan ayay telefishannadu go’aamin doonaan, hase yeeshee waxa hadda lasii go’aamiyey taariikhda ciyaarahan.

Akhriso kulamada isbeddelka lagu sameeyey:

Kulamada usbuuca 37aad – May 18/19

Brighton v Man City

Burnley v Liverpool

Chelsea v Leicester

Crystal Palace v Arsenal

Everton v Wolves

Man Utd v Fulham

Newcastle v Sheffield Utd

Southampton v Leeds

Spurs v Aston Villa

West Brom v West Ham

Kulamada usbuuca 38aad  – May 23

Arsenal v Brighton

Aston Villa v Chelsea

Fulham v Newcastle

Leeds v West Brom

Leicester v Tottenham

Liverpool v Crystal Palace

Man City v Everton

Sheffield United v Burnley

West Ham v Southampton

Wolves v Man Utd

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*