RASMI: Garsooraha Kulanka Cidiyaha Lagu Dagaalamayo Ee Chelsea vs Real Madrid Oo La Shaaciyay & Taariikhda Uu Kooxahaas Ku Leeyahay

Garsooraha ree Talyaani ee Daniele Orsato ayaa loo doortay inuu isagu dhex-dhexaadiye ka noqdo kulanka adag ee arbacada Stamford Bridge ku dhex maraya kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.

Orsato ayaa garsoore caalamiya ahaa tan iyo sanadkii 2010, kooxda xasuusta ugu dambaysay ee wanaagsan ka haysata labada kooxood ayaa ah Chelsea maadaama oo uu dhex-dhexaadiye ka ahaa ciyaartii ay Atletico Madrid 2-0 ugaga guuleysteen bishii March wareegii 16-ka.

Liverpool fans taunt Sergio Ramos after Real Madrid star's red card in Man City defeat | Football | Sport | Express.co.uk

Calanwadayaasha la shaqayn doona Daniele Orsato ayaa ah Allesandro Giallatini iyo Fabiano Preti oo ay Talyaaniga kasoo wada jeedaan halka Massimiliano Irrati uu VAR qaabilsanaan doono.

Dhinaca kale, kulankan ayaa noqon doona ciyaartii afraad ee uu Orsato u qabanayo Real Madrid, kulankii ugu horreeyay ee uu garsooray ayaa ahaa midkii ay 8-0 uga adkaadeen Malmo ee wareega Group-yada ka tirsanaa xilli ciyaareedkii 2015-16.

Kulanka labaad ayaa ahaa midkii ay guusha 1-0 ah dalka Turkey-ga kaga soo gaadheen kooxda Galatasaraay 2019-20 halka ciyaarta saddexaad ay ahayd guuldarradii 1-2 ka ahayd ee ay Estadio Santiago Bernabeu kagala kulmeen Manchester City xilli ciyaareedkii hore.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*