RASMI: Goolhayaha Arsenal Qarka U Saaran Tahay Ee Andre Onana Oo Ganaaxii Sannadka Ahaa Laga Fudaydiyey

Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Ajax ee Andre Onana ayaa lasoo gaabiyey kaddib rafcaan uu u gudbisay maxkamadda garsoorka khilaafkaadka ciyaaraha ee CAS.

25 jirkan ayaa bishii February lagu xukumay inuu 12 bilood ka maqnaado guud ahaan ciyaaraha iyadoo lagu eedeeyey in uu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo ciyaartoyda ka caawiya inay yeeshaan awood dheeraad ah, balse Onana ayaa ku dooday in kiniin ay saaxiibaddii isticmaalaysay uu ku qaldamay isagoo moodayay xanuun baabi’iye xilli uu gurigiisa ku sugnaa.

Ganaaxaas oo ay soo saartay maxkamadda UEFA, ayaa waxa uu ka dhashay baadhitaan ay UEFA samaysay 30kii October ee sannadkii hore.

Si kastaba, maxkamadda CAS ayaa ganaaxa kusoo koobtay sagaal bilood, taas oo ka dhigan in saddex bilood meesha laga saaray.

“Xukaamta CAS waxay ogaadeen in aanu jirin qalad weyn oo loo aanayn karo Andre Onana, waxaanu ku qaldamay oo uu qaatay daawooyin uu qof kale¬† lahaa.” Ayay maxkamaddu tidhi.

Kaddib go’aanka maxkamadda Andre Onana ayaa garoomada kusoo laaban doona oo xor u ah inuu ciyaaro laga bilaabo November 4.

Goolhaye Andre Onana ayaa waxa uu warkan fudaydinta ganaaxa helayaa iyadoo uu qarka u saaran yahay Arsenal oo wada-hadallo kula jirta Ajax, kuna doonaysa inay kasoo bixiso 7 milyan oo Gini.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*