RASMI: Dalka Lagu Ciyaari Doono Copa America Oo Lagu Dhawaaqay Kaddib Markii Martigelintiisa Laga Qaaday Argentina Iyo Colombia

Xidhiidhka kubadda cagta South America ee CONMEBOL ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dalka ay u wareejiyeen martigelinta tartanka Copa America kaddib markii ay ka qaadeen dalalka Argentina iyo Colombia.

CONMEBOL ayaa sheegay in tartanka lagu martigelin doono oo lagu qaban doono gudaha dalka difaacanaya koobka ee Brazil.

Image

Dalalka Argentina iyo Colombia ayaa la filayay inay si wadajir ah u qabtaan martigelinta iyadoo noqon lahayd markii ugu horreysay ee ay laba dal wada martigeliyeen koobkaas 105-ta sano ee uu jiro.

CONMEBOL ayaa go’aansaday inay Colombia ka wareejiyaan masuuliyada 20-kii May maadaama oo ay mudaharaadyo ka dhaceen dalkaas halka ay Argentina maanta uga qaadeen tartanka sababtoo ah tirada Korona Fayras ee dalkaas oo sii korodhay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*