RASMI: Chelsea Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaheeda Kulanka Real Madrid Ee Semi-finalka Champions League

Chelsea ayaa shaacisay 24ka ciyaartoy ee ay kala hor-tegayso Real Madrid lugta hore ee wareegga semi-finalka tartanka Champions League.

Real Madrid yaaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay habeen dambe ku qaabbili doontaa Chelsea oo maanta u safartay waddanka Spain, waxaana tababare Thomas Tuchel uu dib u helay xiddigo hore dhaawac ugaga maqnaa oo u diyaarsan kulankan.

Xiddiga reer Croatia ee Mateo Kovacic oo dhaawac ku maqnaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayuu Tuchel xaqiijiyey in uu yahay ciyaartoyga kaliya ee dhaawaca ah ee seegaya lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid ay martida u yihiin, taas oo ka dhigan in Kovacic aanu ka hor tegi doonin kooxdiisii hore.

“Mateo Kovacic oo kaliya ayaa maqan.” Ayuu yidhi Thomas Tuchel oo warbaahinta la hadlay, waxaanu ku daray: “Qof kasta oo kale waa la heli karayaa, waxaanay ku jiraan liiska ciyaartoyda berri.”

N’Golo Kante oo ah sirta difaaca ee Chelsea ayaa udub-dhexaad u noqon doona kooxdiisa iyadoo uu kulamadii ugu dambeeyey taam ahaansho buuxa dib u helay kaddib dhaawacyo toddobaadyo qaatay oo uu ku maqnaa.

Mason Mount oo ah xiddiga ugu hal-abuurka badan ee shaqada ugu badan ka qabta afka hore ayaa kasoo muuqda liiskan, sidoo kalena difaacyada adag ee Rudiguer, Silva, Christensen iyo Azpilicueta ayaa dhamaantood taam ah.

Liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulanka Real Madrid oo dhamaystiran

Goolka: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero & Edouard Mendy.

Difaaca: Reece James, Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Thiago Silva, Kurt Zouma, Ben Chilwell, Marcos Alonso & Emerson.

Khadka dhexe: Callum Hudson-Odoi, Hakim Ziyech, Christian Pulisic, N’Golo Kante, Billy Gilmour, Mason Mount, Kai Havertz, Faustino Anjorin & Jorginho.

Weerarka: Tammy Abraham, Timo Werner & Olivier Giroud.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*