DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisatay Mustaqbalka Xiddigii Ay Ka Walwalsanayd & Lambarkii Ozil Oo Loo Xidhay Smith Rowe

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis waqti dheer ah ka saxeexday xiddiga khadka dhexe ee Smith Rowe oo lala xidhiidhinayay inuu ka tegayo oo kooxda Aston Villa uu ka degayo, laakiin waxay si rasmi ah usoo bandhigtay isagoo mustaqbalkiisa u go’aaminaya Emirates Stadium.

Laacibkan da’da yar ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey lambarkii uu xidhan jiray Mesut Ozil ee No.10 oo uu dhaxlay, isla markaana si rasmi ah loogu soo bandhigay kaddib toddobaadyo qish kaliya laga hayey oo si hoose loosii ogaa in uu isagu xidhan doono.

Smith Rowe

Kaddib waqtiyo amaah ahaa oo uu kusoo qaatay RB Leipzig iyo Huddersfield Town, 20 jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore ka mid noqday xiddigaha laf-dhabarta u ah safka tababare Mikel Arteta, waxaanu saftay 33 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu dhaliyey afar gool.

Aston Villa oo laba dalab ka gudbisay Smith Rowe xagaagan ayay Gunners iska diiday, ka hor intii aanay ku qancinin in uu saxeexo heshiis cusub oo uu mustaqbalkiisa ugu hibaynayo kooxdiisa Arsenal ee uu kasoo baxay kulliyaddeeda.

Tababare Mikel Arteta oo warbaahinta la hadlay kaddib heshiiska ayaa yidhi: “Dhamaanteen waxaynu aragnay xilli ciyaareedkii hore, in Emile uu yahay ciyaartoy maskax badan oo leh awood heersare ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*