RASMI: Arsenal Oo War Kasoo Saartay Dhaawaca Xiddig Laf-Dhabar U Ah Kooxdeeda & Mudada Uu Maqnaanayo Oo Dhibaato Ku Ah

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaawaca daafaca bidix ee kooxdeeda ee Kieran Tierney oo kamid ahaa xiddigaha kooxdaas kuwooda ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan ee uu inta ugu badan ku tashanayay tababare Mikel Arteta.

Tierney ayaa dhaawac kaga baxay kulankii ay kooxdiisu guuldarrada 3-0 ka ah kala kulantay dhigeeda Liverpool Sabtidii iyadoo wakhtigaas kaliya la ogaa in nooca dhaawac ee gaadhay uu yahay mid jilibka bidix ah.

Arsenal ayaa warbixinta caafimaad ee ay soo saartay ku sheegtay in dhaawaca Tierney uu yahay jilibka bidix isla markaana uusan wax qaliin ah u baahan diinin balse warka aan u fiicnayn taageerayaasha kooxdiisu uu yahay inuu afar ilaa lix toddobaad maqnaan doono.

“Kieran Tierney ayuu jilibka bidix kasoo gaadhay dhaawac intii lagu jiray kulankii Sabtidii ee Liverpool, qaliin looma baahan doono waxaana la rajaynayaa in Kieran uu tababarka buuxa kusoo laaban doono afar ilaa lix toddobaad gudahood” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Maqnaanshaha Tierney ee Gunners ayaa dhirbaaxo culus ku ah kooxdiisa gaar ahaan hammigooda ah inay xilli ciyaareedkan ku dhammaystaan ku guuleysiga tartanka UEFA Europe League.

Warka u wanaagsan ee ay bedelka Tierney helayso Arsenal ayaa ah in da’yarka kooxdeeda ee Bukayo Saka uu kusoo laabtay tababarka buuxa maanta oo uu diyaar yahay kulanka Europe League ee Slavia Prague.

Tababare Mikel Arteta ayuu cadaadis ku saaran yahay shaqada kooxdiisa Arsenal iyadoo hadda ay fadhiyaan booska 10-aad ee miiska kala sarreynta PL isla markaana ay farqiga goolasha ka sarreeyaan kooxda 11-aad ku jirta ee Leeds United.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*