RASMI: Arsenal Oo Noqotay Kooxda Ugu Akhlaaqda Xun Taariikhda Premier League – Yaa Soo Galay 10ka Ugu Sareeya?

Arsenal ayaa noqotay kooxda ugu akhlaaqda xun taariikhda Premier League ka dib markii ay uruusatay 98 kaar oo casaan ah.

Kooxda Gunners ayaa ah kooxda casaanka ugu badan qaadatay taariikhda horyaalka Premier League tan iyo markii magacaan loo bixiyay horyaalka Ingariiska sannadkii 1992.

Baariraankii la sameeyay ayaa muujinaya kooxda Waqooyiga London oo seddex Premier League qaaday tan iyo 1992 inay ugu sareyso liiska kooxaha casaanka ugu badan qaatay iyaga iyo Everton.

Labada kooxood ayaa 100 casaan ah u jiraya kaliya labo casaan oo ay qaataan.

Gunners waxaa soo maray xiddigo badan oo xamaasad ku ciyaara mudadii sannadaha aheyd sida Patrick Vieira oo qaatay sideed casaan mudadii uu joogay Premier League iyo Martin Keown oo qaatay lix casaan ah.

Casaanka Everton waxaa kordhiyay xiddigii mayalka adkaa ee reer Scotland Duncan Ferguson oo haatan ka mid ah shaqaalaha tababare Carlo Ancelotti.

Newcastle ayaa ku jirta kaalinta 3aad iyagoo qaatay 87 casaan ah halka Chelsea ay ku jirta kaalinta afaraad waxaana la siiyay 79 kaar casaan ah.

Inkastoo aysan ciyaarin kulan Premier League ah tan iyo sannadkii 2012, Blackburn waxay ku jirtaa kaalinta 5aad iyagoo qaatay 77 kaar casaan ah.

Blackburn waxay celcelis ahaan qaatay xilli ciyaareed walba afar casaan ah 18kii sannadood ee ay ka ciyaareysay Premier League.

West Ham ayaa lixaad kaga jirta liiska iyagoo qaatay 75 kaar cssaan ah halka Manchester City oo haatan hogaamineysa horyaalka ay qaadatay 70 kaar casaan ah.

Tottenham iyo Manchester United ayaa ku xiga oo kala qaatay 68 iyo 67 kaarar casaan ah.

Xiddigii ad-adeyga badnaa Roy Keane ayaa kaliya shan casaan ah qaatay mudadii uu joogay Red Devils horyaalka Premier League.

Waxaa 10ka ugu sareeya dhameystiraya Sunderland oo haatan 62 kaarar casaan ah 16 xilli ciyaareed oo ay ka dheeleen Premier League.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*