Qoyska Boqortooyada Qatar Oo Ka Hadlay Mbappe: “Kooxda Ugu Taajirsan Adduunyada, Culayska Saxaafadda Waxba Lagagama Qaado…”

Qoyska boqortooyada waddanka Qatar ayaa ka hadlay xaaladda weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, iyagoo farriinna u diray Real Madrid oo si weyn u doonaysay laacibkan, isla markaana ku guul-darraysatay kaddib markii ay PSG iska diidday dalab 200 milyan oo Euro ahaa.

PSG 7

Khalifa Bin Hamad Al Thani oo ay ilmo-adeer yihiin Amiirka waddanka Qatar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu digniin ugu diray Real Madrid iyo warbaahinta Spain oo uu u sheegay in kooxdoodu ay tahay naadiga ugu qanisan adduunyada, isla markaana aanay culayska saxaafadeed iyo wax kasta oo ay la yimaaddaan aanay waxba kaga qaadi doonin.

Qoraal uu Khalifa Bin Hamad Al Thani ku baahiyey bartiisa ayuu ku yidhi: “Cadaadiska warbaahinta… kama shaqeeyo kooxda ugu taajirsan adduunyada…”

Khalifa Bin Hamad Al Thani waxa qoraalkiisa uu soo raaciyey sawirka wargeyska Marca ee kasoo baxa caasimadda iyo Spain iyo kooxda Real Madrid oo uu is-dhexgeliyey, gaar ahaan qoraal uu Marca ku sheegay in Madrid ay sugayso Mbappe oo soo jiitay dad badan.

Farriintan ka timid qoyska boqortooyada Qatar ayaa lagu tilmaamay mid caddaan ah oo ay mar kale ku muujinayaan go’aankii Nasser Al Khelaifi uu hore u shaaciyey ee aan in aanay marnaba¬† iibin doonin Kylian Mbappe.

Khalifa Bin Hamad Al Thani ayaa xagaagan xubin firfircoon ka ahaa baraha bulshada isaga oo ka baxay xayndaabka qarsoodiga xubnaha qoyska ee dhawrsoonaanta lagu yaqaano.

Waxa uu hore uga hadlay heshiiskii Lionel Messi oo isagoon tegin uu qish kasii bixiyey, midkii Sergio Ramos iyo hadda oo uu Kylian Mbappe ka hadlay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*