QISO: Tijaabadii Uu Kylian Mbappe Ku Maray Chelsea & Balanqaadkii Ay Hooyadii U Samaysay Blues Ee SHAN Sano Kaddib Rumoobay

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa awood u lahayd inay lacag aad u raqiis ah kula saxeexato weeraryahanka maanta ee Paris Saint-Germain Kylian Mbappe balse weyday saxeexiisa kaddib markii ay isku dhaceen hooyadii.

Mbappe ayaa durtaba lagu tirin karaa xiddigaha ugu fiican dunida kubadda cagta. Koobabka badan ee uu kusoo guuleystay ayuu kamid yahay koob aduun uu xulka France ka caawiyay 2018-kii.

Premier League: Chelsea rejected 13-year-old Mbappe for not being able to defend | MARCA in English

Xawaarihiisa hilaaca ah iyo xirfada heerka sarre ah ee uu leeyahay marka uu kubadda haysto ayaa ah mid argagax ku abuurta daafacyada kasoo horjeeda.

Xaga mustaqbalka, ma jirto koox aan jeclaan lahayn inay safkeeda ku haysato Mbappe balse Real Madrid ayaa u muuqata mida ugu cad cad ee heli doonta haddii uu PSG faarujiyo.

Laakiin taas bedelkeeda, Chelsea ayaa ahayd kooxda awood u yeelan karaysay inay maantaba haysato kaddib markii uu isaga oo aad u yar tijaabo ku maray akaademigeeda.

Sanadkii 2012 ayay ahayd markii Serge Daniel Boga oo ahaa indho-indheeye xaga da’yarta u qaabilsanaa Chelsea uu u keenay Mbappe kahor inta aysan Blues u sheegin inuu tijaabadii koowaad marka uu maray tijaabo labaadna usoo laabto balse ay hooyadii diiday.

Sida uu Boga sheegay hooyada Mbappe ayaa Chelsea u sheegtay inay markaas la saxeexdaan ama ay shan sano kaddib 50 Milyan oo euro kusoo dalban doonaan, saadaashaas cajiibka ayaaba heerkaas dhaaftay kaddib markii ay 2017 oo shan sano kaddib ku beegnayd PSG 180 Milyan oo euro kula saxeexatay.

Boga ayaa yidhi “Waxaan u yeedhay qofkasta oo aan kala shaqayn jiray Chelsea sida Jim Fraser, waxaan idhi ‘I dhagayso, wiilkan yar ayaan kuu hayaa waa inaad eegto”

“Toddobaad kaddib waxaanu tagnay xafiiska Chelsea, waxay yidhaahdeen ‘Waanu ku faraxsanahay waxa aanu aragnay laakiin waa inaanu tijaabo kale dib idiinku marti qaadno waananu arki doonaa kaddib tijaabadaas”

“Waxaan xasuustaa waxa ay hooyadii tidhi maalintaas, French ayay kula hadashay Fraser aniguna waan u turjumayay”

“Waxay igu tidhi ‘I dhagayso, wiilkaygu masoo laaban doono, haddii ay doonayaan waa inay imika qaataan ama shan sano kaddib way soo laaban doonaan si ay 50 Milyan oo euro ugu iibsadaan”

“Sidaas ayay igu tidhi, waxaan ku idhi ‘Maya sidaas iyaga kuma odhan karo, aad ayay iigu adkayd aniga, way saxsanayd, xataa 50 Milyan ma ahayn ee 180 Milyan oo euro ayay kooxi (PSG) ku iibsatay, sidaas darteed way ogayd tayada wiilkeeda wayna saxsanayd”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*