QIIMAYN:10ka Difaac Bidix Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Qiimeeyey, Luke Shaw & Robertson Oo Lagala Wareegay

Tobanka difaac bidix ee ugu wanaagsan guud ahaan dunida waqtigan ayaa qiimayn lagu sameeyey, waxaasaskii lagu yaqaanay waayey Andy Robertson iyo Luke Shaw oo uu ka qaaday da’yarka Bayern Munich ee Alphonso Davines oo soo galay kaalinta koowaad.

20 jirkan reer Canada ee tahriibka kaga yimid waddanka Liberia, waqtigana kusoo qaatay xero qaxoonti oo ku taalla Ghana, ayaa waxa muddo kooban oo uu joogay Munich, waxa uu noqday difaac bidix oo ku wanaagsan iska caabbinta ciyaartoyda, ku wanaagsan goysmada, isla markaana xawaarihiisu ka mid yahay ciyaartoyda ugu dheeraysa waqtigan.

Wargeyska FouFourTwo ee ciyaaraha ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa qiimayn uu ku sameeyey difaacyada bidix ee waqtigan ugu fiican dunida, waxa kaalinta labaad u degay laacibka Liverpool ee Andy Robertson oo hore booskaas u haysan jiray, waxaana kusoo xiga Theo Hernandez oo AC Milan ka tirsan laba sannadood ka horna ay kasoo iibsatay Real Madrid.

Luke Shaw oo laf-dhabar u ah Manchester United ayaa kaalinta afraad soo galay, iyadoo xilli ciyaareedkan uu wacdaro ka dhigayo horyaalka Premier League.

25 jirkan ayaa 18 bilood ka hor kooxda kaga qornaa ciyaartoy aan faa’iido badan lahayn, laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dib usoo nooleeyey ciyaarihiisa isagoo illowsiiyey waqtigii adkaa ee ay isla soo mareen Jose Mourinho.

Ferland Mendy oo Real Madrid ah ayaa soo galay shanaad, waxaana uu kasoo hormaray Raphael Guerreiro oo Burissia Dortmund ah iyo Kieran Tierney oo Arsenal u ciyaara, ayna xulka qaranka Scotland u wada ciyaaraan Andy Robertson.

Jordi Alba oo Barcelona ah ayaa liiskan kasoo muuqday, waxaase uu fadhiyaa kaalinta siddeedaad, halka Lucas Digne oo Everton ah, horena ugu ciyaari jiray Roma iyo Barcelona uu soo galay sagaalaad iyo Ben Chilwell oo Chelsea iyo xulka qaranka England ah oo dhamaystiray liiska.

Halkan akga bogo 10ka laacib ee difaaca bidix  ee  waqtigan ugu wanaagsan dunida:

10. Ben Chilwell (Chelsea)

9. Lucas Digne (Everton)

8. Jordi Alba (Barcelona)

7. Kieran Tierney (Arsenal)

6. Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund)

5. Luke Shaw (Manchester United)

4. Ferland Mendy (Real Madrid)

3. Theo Hernandez (AC Milan)

2. Andrew Robertson (Liverpool)

1. Alphonso Davies (Bayern Munich)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*