QIIMAYN: 30kii Xiddig Ee Ingiriiska Ahaa Ee Ugu Fiicnaa Taariikhda Premier League Oo La Magacaabay

Halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard ayaa loo magacaabay xiddigii Ingiriiska ahaa ee ugu fiicnaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu kasoo hormaray Paul Scholes, Alan Shearer iyo Wayne Rooney.

Gerrard oo ay da’diisu tahay 40 jir ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa khadka dhexe, waxaana muddo dheer soo taagnayd dood u dhaxaysay isaga, Frank Lampard iyo Paul Scholes, taas oo ku aaddanayd midkooda fiicnaa.

Laakiin qiimaynta cusub ee la sameeyey ayaa meesha ka saartay loollankaas, waxaana Steven Gerrard loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League ee dhalashadiisu Ingiriis tahay.

Qiimayntan oo ay samaysay 90min, ayaa waxa kaalinta labaad soo galay halyeygii xulka qaranka England iyo kooxda Newcastle United ee Alan Shearer, halka uu kubbad-sameeyihii iyo burburiyihii Manchester United ee Paul Scholes uu kaalinta saddexaad  ku jiro.

In aanu waligii ku guuleysanin horyaalka Premier League, kama joojinin Steven Gerrard in loo doorto ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Premier League ee dhalashadiisu tahay Ingiriis, laakiin waxa uu ku guuleystay Champions League, UEFA Cup, laba FA Cup iyo saddex League Cup.

Waxa kale oo liiskan ku jira weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane, kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson iyo halyeygii Manchester United ee Riyo Ferdinand.

Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa  taariikhda Premier League ee Ingiriiska u dhashay:

30. Stan Collymore

29. Stuart Pearce

28. Jamie Vardy

27. Les Ferdinand

26. Ian Wright

25. John Barnes

24. Steve McManaman

23. Jordan Henderson

22. Andy Cole

21. Teddy Sheringham

20. David Seaman

19. Peter Beardsley

18. Gary Neville

17. Paul Ince

16. Sol Campbell

15. Matt Le Tissier

14. Michael Owen

13. Robbie Fowler

12. Tony Adams

11. Raheem Sterling

10. Rio Ferdinand

9. Ashley Cole

8. David Beckham

7. Harry Kane

6. John Terry

5. Frank Lampard

4. Wayne Rooney

3. Paul Scholes

2. Alan Shearer

1. Steven Gerrard

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*