QIIMAYN: 10ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Wanaangsan Premier League Oo La Qiimeeyey & De Bruyne Oo Hoos U Dhacay

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay joogaan ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu hal-abuurka badan, kuwaas oo ay xaqiiqo tahay, in xataa ay sannadkan qaarkood u tartami doonaan abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or.

Xiddigaha khadka dhexe ayaa kaliya aan ku sugnayn naadiyada waaweyn, waxaase jira laacibiin u ciyaara kooxaha heerarka dhexe oo wacdaro dhigaya, isla markaana xogtooda shaqsiga ah ay gaadhsiisan tahay heer ay la loollamaan Kevin de Bruyne iyo Bruno Fernandes oo ah kuwa farta lagu fiiqo marka laga hadlayo ciyaartoyda dhexda ee ugu wanaagsan.

Qiimayn lagu sameeyey ciyartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Premier League, waxa kaliya lagu dul-istaagay kubbad sameeyeyaasha iyadoo laga reebay kubbad-burburiyeyaasha, taas oo ka dhigan in N’Golo Kante iyo kuwo kale ay sugi doonaan qiimayntooda oo mar kale iyagana soo bixi doonta.

Xog ururiyaha Statsbomb ayaa raad-raac ku sameeyey ciyaartoyda khadka dhexe ee dhamaan kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana isagoo adeegsanaya shabakadda FBRef uu soo bandhigay qiimaynta ciyaartoyda ugu waxqabadka badan ee khadka dhexe ee hore, taas oo meesha ka saartay laacibiinta kubbad burburiyeyaasha ah.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaan waxba ka helin 10ka laacib, halka Manchester City ay tahay kooxda ciyaartoyda ugu badan ku leh oo ay saddex ciyaartoy kaga jiraan.

Rodri, Ilkay Gundogan iyo Kevin de Bruyne oo Man City ah ayaa liiska ku jira, waxaana soo raaca Pierre-Emile Hojbjerg oo Tottenham ah, Yves Bissouma oo u dhashay waddanka Mali una ciyaaara kooxda Brighton & Hove Albion, Declan Rice oo West Ham ah.

Sidoo kale, Mason Mount oo Chelsea ah ayaa ku jira liiskan, halka Bruno Fernandes uu booska kala baxay Kevin de Bruyne oo hore u ahaan jiray laacibka kaalinta koowaad kaga jira ciyaartoyda khadka dhexe.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu fiican Premier League:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

4 Fekradood

  1. 1 Rodri
    2 Pierre-Emile Hojbjerg
    3 Declan Rice
    Kuwaan kubad sameya yaal miyaa
    Kante aya ka dhaqaaq fiican xita ma dhaqaaqaan kuwaan

  2. Kante Aaway Uma jeedee way ka tageen
    Kevin debruyne ayaa kaalinta koowaad ka leh buruno fernandes

  3. Waxaan ma idinkaa sameeyay mise majalad caadiya ayaa qortay ileen qaadan mayno
    Kante waxaa ka fiican declan Rice,Bisouma, Rodri, iyo Hojbgerg. Kante oo aan ognahay inuu yahay aduunka dhaxda ugu wanaagsan ee hada joogq inuu kamid yahay ayaad kuwaan lasinteen

  4. waa sax qiimeentaan bruno farnandes wax qabad ficn muujiyay balse burburiyaasha kenta ka maqan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*