QIIMAYN: 10ka Difaac Midig Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Qiimeeyey, Alexander-Arnold Oo Laga Qaaday & Laacibka Aanad Filayn Ee 1aad Ku Jira

Difaacyahannada midig ee ugu wanaagsan dunida waqtigan ayaa la qiimeeyey, waxaana kaalinta koowaad soo galay laacib aanad filaynin, halka uu xiddiga Liverpool ee Trent Alexander-Arnold u dhaadhacay meelo hoose.

Majaladda FouFourTwo ayaa shaacisay 10ka laacib ee ka ciyaara difaaca midig ee waqtigan ugu fiican, kuwaas oo afar ka mid ah ay noqdeen ciyaartoyda xulka qaranka England.

Alexander-Arnold oo sannadihii ugu dambeeyey kaalinta ugu horreysa kaga jiray liiska difaacyaada ugu fiican ayaa waxa uu u degay kaalinta labaad, waxaana kasoo hormaray laacibka Manchester City ee Joao Cancelo oo kaalinta koowaad soo galay.

Cancelo oo u dhashay waddanka Portugal ayaa tababare Pep Guardiola ka furtay Kyle Walker oo qaladaad samayn jiray kulamada qaarkood, hase yeeshee ka mid ah ciyaaartoyda ugu wanaagsan ee booskan.

Laacibka reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa soo galay kaalinta saddexaad, kaddib bandhig ciyaareed cajiib ah oo uu ka sameeyey horyaalka Talyaaniga ee Serie A, iyadoo uu horena wacdaro uga soo dhigay Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii hore.

Kayle Walker ayaa ku jira kaalinta lixaad, waxaanu ka dambeeyaa Leo Dubois oo u ciyaara kooxda reer France ee Lyon, halka Juan Cuadrado oo hore garabka weerarka uga ciyaari jiray, haddana difaaca midig uga ciyaara Juventus uu soo galay kaalinta toddobaad.

Reece James oo Chelsea ah, Fabian Centonze oo kooxda reer  Germany ee Metz u ciyaara iyo Sergino Dest oo Barcelona ka tirsan ayaa dhamaystiray liiska.

Dani Carvajal oo Real Madrid ah, Aaron Wan-Bissaka oo Manchester United u ciyaara iyo Benjamin Pavard oo Bayern Munich ka tirsan, horena liiskan aan looga waayi jirin ayaa qiimayntan ugu dambaysay ka maqan.

10. Sergino Dest (Barcelona)

9. Fabian Centonze (Metz)

8. Reece James (Chelsea)

7. Juan Cuadrado (Juventus)

6. Kyle Walker (Man City)

5. Leo Dubois (Lyon)

4. Kieran Trippier (Atletico Madrid)

3. Achraf Hakimi (Inter Milan)

2. Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

1. Joao Cancelo (Man City)

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*