QALBI-JAB: Mudada Uu Xulka Talyaaniga Xiddigii Wacdaraha Dhigayay Ee Spinazzola Ka Maqnaanayo Oo La Ogaaday

Jamaahiirta xulka qaranka Talyaaniga iyo guud ahaan taageerayaasha jecel kubadda cagta ayaa ka qalbi jabay nooca dhaawac ee xalay gaadhay daafaca bidix ee xulkaasi ee Leonardo Spinazzola kaas oo ka baxay kulankii Belgium.

Talyaaniga ayaa guul dahabi ah ka gaadhay xulka booska 1-aad kaga jira qiimaynta xulalka caalamka ee FIFA kaddib goolal ay ka kala heleen Barella iyo Insigne isla markaana wareega afar dhammaadka balan kaga samaystay Spain.

QnN8dXiA?format=jpg&name=small

Spinazzola ayaa ahaa mid kamida xiddigaha ugu fiican tartanku intii uu ilaa hadda socday isaga oo ugu soo bilawday dhammaan shantii kulan ee ay Euro ka ciyaareen xulka uu hoggaanka u yahay tababare Roberto Mancini.

Haddaba, dhaawaca xalay garoonka looga saaray daafaca kooxda AS Roma ayaa ahaa mid ka gaadhay lafta isku xidha cagta hoose iyo murqaha kubka (Achilles Tendon) kaas oo ah dhaawaca ugu xun ee uu ciyaartoy filan karo.

Spinazzola ayaa hubaal maqnaan doona ugu yaraan lix bilood inta la qiyaasan karo iskaba daa inuu kasoo muuqdo kulamada Euro ka hadhsane.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

7 Fekradood

  1. Waanka xumahaye dhibka gaaray difaaceeni oogu fcn qaranka talyaaniga lkn waa inaan tashano hadii aan nahaye uzuuri bur hadii lawaayo bedelkiisa ayaa jooga v.v.v.v .italia

    • Qacle wa la izka ogaaa in aaad ka badinagzaan belguim waayo meesha wx difaac kuma hayaan lkiin wa inoo spain iyo next game my team marnaba noo hoos

  2. Emerson palmieri aa jooga
    talyaaniga xirfada kubada cagta ayey kajecelyihiin lacagta u fiirso cayaartoyda italy suuqa lacag badan kama joogaan horyaalkooduna hoos u dhac ayaa ku yimid lkn xirfadooda waa saraysaa

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*