PSG Oo Loo Sheegay Inay SANNADKA Oo Dhan Kursiga Kaydka Ku Disho Kylian Mbappe

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa loo sheegay inay kursiga kaydka ku disho xiddiga da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe, haddii uu iska diido inuu saxeexo heshiis cusub.

Mbappe ayaa qandaraaska uu kula jiro PSG waxa ka hadhsan 12 bilood oo kaliya, waxaanu diiddan yahay inuu saxeexo qandaraas cusub isagoo ku riixaya in la iibiyo amaba uu si bilaash ah ku tegi doono.

Mbappe

Eric Di Meco oo u ciyaari jiray xulka qaranka France ayaa sheegay, in Kylian Mbappe uu ku qasban yahay inuu saxeexo heshiis cusub oo uu muddo dheere kusii joogo, haddii kalena ay kooxdu qaadi doonto tallaabo ay ku wiiqayso ciyaartiisa oo ay ku dhici doonto sannad ciyaar la’aan ah.

Di Meco oo 23 kulan u saftay xulka qaranka France ayaa u warramay RMC Sports, waxaanu yidhi: “Dhibaatada jirta ayaa waxay tahay in loo ogolaaday in uu galo sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa, isaga ayaa hadda haysta kaadhka.

“Waxa aad samayn karto marka aad tahay PSG ee aad awood badan tahay, waa in aad tidhaahdo: ‘Ma doonaysid in aad nala sii joogto, sow maaha? Hagaag, waxa aad fadhiyaysaa kaydka sannadka oo dhan’.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*