PSG Oo La Garaacay, Hoggaanka Oo Laga Tuuray & Neymar Oo Kaadh CAS Qaatay Ka Hor Kulanka Bayern Munich Ee Salaasada

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa kaadh cas lagu saaray daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaar ay kooxdiisu guul-darro xanuun badan kala kulantay oo ay Lille ka tuurtay sallaanka horyaalka Faransiiska ee League 1.

Labada kooxood ee Lille iyo PSG ayaa si wada-jir ah u hayey hoggaanka horyaalka, ayaa waxa hadda saddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay Lille oo iska reebtay PSG.

Gool uu qaybta hore u dhaliyey Jonathan David ayaa Lille ka caawiyey guushan muhiimka ah, waxaanay awood u yeelatay in ay hoggaanka ku nafisto iyadoo inta badan ciyaarta ay maamulanaysay PSG.

Kulankan oo uu karantiil kaga maqnaa xiddiga khadka dhexe ee Talyaaniga ee Marco Verratti oo uu ku dhacay fayraska korona, isla markaana seegaya ciyaarta Bayern Munich ee toddobaadkan ee lugta hore ee tartanka Champions League oo wareeggiisa siddeedda ay isku dhaceen, ayaa waxa uu tababare Mauricio Pochettino dhamaadkii ciyaarta madaxa la qabsaday kaadh cas oo uu qaatay xiddiga reer Brazil ee Neymar oo daqiiqaddii 90aad loo taagay kaadh cas.

Neymar kaadhka huruud ah qaatay bilowga qaybta labaad, waxaana midka labaad oo uu iska  ilaalin karayay uu ku darsatay ciyaarta daqiiqaddii ugu dambaysay ee ciyaarta iyadoo waqtiga dheeraadka ah uu bilaabmayo.

Lille ayaa iyagana uu kaadh cas ka qaatay difaaca midig ee Tiago Djalo oo laba kaadh oo kala dambeeyey ku baxay daqiiqaddii 91aad ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta.

PSG ayaa xilli ciyaareedkan ka hoosaysa heerkii looga bartay waxaana 16 ciyaarood oo ay garoonkeeda ku dheeshay laga badiyey lix ka mid ah.

Lille ayaa horyaalka Faransiiska ku hoggaaminaysa 66 dhibcood, waxaana ku xigta PSG oo 63 dhibcood leh, halka Monaco oo saddexaad ku jirtaa ay 62 dhibcood leedahay iyo Lyon oo waqti dambe oo caawa ah ciyaaraysa oo haysata 60 dhibcood, isla markaana haddii ay guuleysato kaalinta labaad kala bixi doonta PSG.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*