Pep Guardiola Oo U Fasaxay Sergio Aguero Inuu Ku Biiro Midkood Kooxahaan Ka Dhisan Premier League

Pep Guardiola ayaan wax dhibaato ah ku qabin haddii Sergio Aguero uu go’aansado inuu sii joogo Premier League xagaagan sida ay qortay jariirada The Sun.

Halyeeyga Manchester City Aguero oo 32 sanno jir ah ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu baaqi ku sii ahaado England marka uu ka tagay Etihad Stadium xagaagan.

Chelsea ayaa la filayaa inay u dhaqaaqdo saxiixiisa halka kooxaha Tottenham, Manchester United iyo kooxda ay maanta City la ciyaareyso ee Leeds iyagana lala xiriiriyay xiddigaan.

Tababaraha City Guardiola ayaa sheegay inuu doonayo inuu xiddiga reer Argentina uu faraxsanaado, islamarkaana uusan ka walwal qabin inuu dib u ugaarsan doono kooxdiisa.

Guardiola ayaa yiri: “Waxaan doonayaa waxa isaga u fiican, dhamaanteen ayaa sidaas rabna. Inaan waxa ugu fiican u helno Sergio sannadaha ugu danbeeya waayihiisa ciyaareed.

“Waan ku faraxsanaan doonaa go’aanka uu qaato ee u fiican isaga, qoyskiisa iyo xirfadiisa.

“Waxa aan aniga doonayo waa waxa uu isago doonayo. Waxa isaga u fiican, waa waxa inaga dhamaanteen inoo fiican.”

Hadalka Guardiola ayaa wadada u xaaraya in xiddiga reer Argentina uu u wareegi karo Chelsea xagaagan iyadoo Blues ay tahay kooxda haatan ugu cad cad saxiixiisa.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*