Paul Pogba Oo Magacaabay LABADA Xiddig Ee Ugu Adkaa Ee Uu Ka Hor Yimid Intii Uu Ciyaaraha Ku Jiray

Paul Pogba ayaa amaan u jeediyey xiddiga khadka dhexe ee ay xulka qaranka France u wada ciyaaraan ee halbowlaha u ah Chelsea ee N’Golo Kante oo uu ku tilmaamay laacibkii ugu adkaa ee abid uu ka hor  yimid intii uu garoomada ku jiray.

Pogba iyo N’Golo Kante ayaa iska hor yimid iyagoo hormood u ah Manchester United iyo Chelsea, sidoo kalena waxa uu N’Golo Kante waqtiyada qaarkood joogay Leicester City, waxaanay xilliyadaas ay si adag ugu xafiiltameen khadka dhexe.

Laakiin Kante kalidii maaha ciyaartoyga ugu adag ee uu Pogba ka hor yimid, waana kubbad-burburiyaha Real Madrid ee Casemiro.

Kante iyo Pogba ayaa waxay qayb ka ahaayeen xulka qaranka Faransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka 2018, waxayse ku xafiiltameen horyaalka Premier League iyo tartamada kale ee maxalliga ah.

Sidoo kale, Pogba iyo Casemiro ayaa ku dagaallamay UEFA Super Cup sannadkii 2017, iyadoo Real Madrid iyo Manchester United oo kusoo kala guuleystay Champions League iyo Europa League ay iskugu soo hadheen.

Paul Pogba oo la weydiiyey ciyaartoydii ugu adkaa ee uu garoomada ka hor yimid ayaa yidhi: “Ciyaartoygii ugu adkaa ee garoomada aanu iskaga hor nimid? Haddii aan si daacad ah u hadlo waa N’Golo Kante.

‘Casemiro sidoo kale… wuxuu ahaa mid aad u adag. Ma wada xasuusan karayo dhamaantood, laakiin kuwan ayaa ugu horreeya oo ay maskaxdaydu soo qabatay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*