Owen Hargreaves Oo Sheegay HAL Koox Oo Ay Waajib Ku Tahay Inay Ku Guuleysato Champions League & Sababta Oo Uu Sharaxay

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich ee Owen Hargreaves ayaa ka hadlay sababta ay kooxda ree France ee Paris Saint-Germain waajib ugu tahay inay Champions League ku guuleysato xilli ciyaareedkan.

Sababta ugu weyn ee uu Owen ugu arko inay Paris muhiimka ugu tahay ku guuleysiga Champions League ayaa ah inay ka caawin doonto inay sii haystaan xiddigaha muhiimka u ah ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappe oo labadaba lala xidhiidhinayo inay iskaga tagayaan Parc des Princes.

Image

Haddiiba ay Neymar iyo Mbappe heshiisyadooda Paris kordhiyaan, Hargreaves ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay bilaw cusub ka ag samayn doonto tababare Mauricio Pochettino oo gudaha xilli ciyaareedka la wareegay.

Owen Hargreaves oo u warramayay BT Sport ayaa yidhi “Neymar iyo Mbappe kaliya hal sano ayaa uga hadhsan heshiisyadooda, sidaas darteed waxay u muuqataa inay kani wakhti weyn ayuu u yahay iyaga”

“Waan hubaa Mbappe waxa uu ku fikirayaa inuu si sahlan halkaas ku joogi karo amaba uu si sahlan meel kale kaga ciyaari karo haddii ay tahay Real Madrid ama Liverpool”

“Neymar, isagu hadda waa 29 sano jir, waxa uu ku laaban karaa Barca ama waxa uu joogi karaa PSG. kani wakhti weyn ayuu u yahay iyaga, waxay u baahan yihiin inay Champions League ku guuleystaan, Ligue 1 kuma filna”

“Haddii ay Champions League ku guuleysan karaan malaha ciyaartoydaasi way joogayaan kaddibna wax cusub ayay la dhisi karaan Poch (Pochettino)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*