N’Golo Kante, Mbappe, Benzema, Lukaku, Alaba – Waddamada Ay Asal Ahaan Ka Soo Jeedaan Xiddigaha Waaweyn Ee Ciyaaraya Euro 2020

25 waddan oo Afrikaan ah ayaa ciyaartooyo u dhashay ay ka qayb-gelayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro ee caawa bilaabmaya, waxaana waddanka ugu badan uu yahay Faransiiska oo la xasuusan yahay in xiddigihii u qaaday Koobkii Adduunka 2018 ay ahaayeen laacibiin madow ah.

Min France, Portugal, England illaa Switzerland, waxa ka buuxa ciyaartooyo asaal ahaantooda kasoo jeeda Afrika oo ay waalidkood u haajireen qaaradda Yurub, kuwo yaraantoodii tegay iyo laacibiin kale oo awoowyaashood ay halkaas tageen, halka qaarkood ay ahaayeen addoomihii laga daad-gureeyey woqooyiga Afrika.

Karim Benzema oo u dhashay waddanka Algeria aabbihii iyo hooyadiina ay halkaas u guureen ka hor intii aanu isagu dhalanin ayaa ka mid ah xiddigaha caanka ah, laakiin Kylian Mbappe ayaa lagu qoray laba waddan oo kala duwan oo midka hore yahay Algeria sida warbaahintu qortay, halka waddanka kale ee la geliyey liiska ciyaartoyda asal ahaanta kasoo jeeda uu yahay Cameroon.

Kylian Mbappe ayaa hore ay dadka qaarkood u sheegi jireen inuu u egyahay Samuel Eto’o oo aanu ku jirin dhiig Carab ahi, waana doodda macquulka ah, marka loo eego muuqaalkiisa jidheed, midabkiisa iyo awooddiisa orodka ee looga  bartay ciyaartoyda Galbeedka Afrika.

Ciyaartoyda kaliya ee Bariga Afrika kasoo jeeda ayaa ah Alexander Isak oo u ciyaara xulka qaranka Sweden, waalidkiina ay ka tageen waddanka Eritrea.

Waddanka DR Congo ayaa ciyaartoyda ugu badan ee ka qayb-gelaya Euro ay kasoo jeedaan, waxaana xiddigaha caanka ah ka mid ah Youi Rielemans, Benteke, Batshuayi, Lukaku, Kimpembpe, Mandanda iyo Denis Zakaria.

Mali ayay isagana ka yimaaddeen Adama Traore oo xulka qaranka Spain ku jira, Moussa Sissoko oo dhexda uga ciyaara Faransiiska iyo N’Golo Kante oo isaguna Faransiis ah.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda asal ahaanta Afrika kasoo jeeda:

#1 Algeria

Karim Benzema (France), Kylian Mbappe (France)

#2 Angola

Valentino Lazaro (Austria), William Carvalho (Portugal), Nuno Mendes (Portugal), Ben Cabango (Wales), Jordan Lotomba (Switzerland)

#3 Benin

Jules Kounde (France)

#4 Guinea-Bissau

Danilo (Portugal)

#5 Central African Republic

Kurt Zouma (France)

#6 Cote d’Ivoire

Serge Gnabry (Germany), Nathan Ake (Netherlands)

#7 Cameroon

Yvon Mvogo (Switzerland), Breel Embolo (Switzerland), Kylian Mbappe (France)

#8 Cape Verde

Nelson Semedo (Portugal), Edmilson Fernandes (Switzerland), Renato Sanches (Portugal)

#9 DRC

Jordan Lotomba (Switzerland), Dedryck Boyata (Belgium), Youri Tielemans (Belgium), Christian Benteke (Belgium), Michy Batshuayi (Belgium), Romelu Lukaku (Belgium), Presnel Kimpembe (France), Steve Mandanda (France), Ken Sema (Sweden), Kevin Mbabu (Switzerland), Denis Zakaria (Switzerland), Jason Denayer (Belgium)

#10 Eritrea

Alexander Isak (Sweden)

#11 The Gambia

Mathias ‘Zanka’ Jorgensen (Denmark)

#12 Ghana

Jeremy Doku (Belgium), Nikolai Alho (Finland), Robin Quaison (Sweden), Ethan Ampadu (Wales), Cody Gakpo (Netherlands)

#13 Guinea

Paul Pogba (Guinea)

#14 Mali

Adama Traore (Spain), Moussa Sissoko (France), N’Golo Kante (France)

#15 Morocco

Nacer Chadli (Belgium)

#16 Mauritania

Ousmane Dembele (France)

#17 Namibia

Pyry Soiri (Finland)

#18 Nigeria

Karim Onisiwo (Austria), David Alaba (Austria), Bukayo Saka (England), Jamal Musiala (Germany), Manuel Akanji (Switzerland)

#19 Sao Tome e Principe

Renato Sanches (Portugal)

#20 Senegal

Leroy Sane (Germany), Ousmane Dembele (France), Djibril Sow (Switzerland)

#21 Sierra Leone

Glen Kamara (Finland), Antonio Rudiger (Germany)

#22 South Sudan

Denis Zakaria (Switzerland)

#23 Tanzania

Yussuf Poulsen (Denmark)

#24 Togo

Corentin Tolisso (France), Cody Gakpo (Netherlands)

#25 Tunisia

Wissam Ben Yedder (France)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

9 Fekradood

  1. Waa maxay ciyaaryahanada labada mar aad ku soo celiseen sida Kylian Mbappe marna Algeria marna Cameroon. Iska saxa qoraalka intaadan so post gareynina.

  2. Asc Somali Yaban wllkena waxa aad so qortay waad ku mahadsantahay wll marka labad wankaga mahad calinaya aqontada wanagsan wana ku tageraya horay usoco 🙏🏾🇸🇴💯🔈

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*