Neymar Oo Sheegay Sababtii Uu Dabaaldega Waalida Ah Ugu Hor Sameeyay Joshua Kimmich & Hadalkii Uu Ka Xanaaqay

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa ku dooday kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii ay xalay ka gudbeen dhigooda Bayern Munich in uusan si ulakac ah ugu hor dabaaldegin khadka dhexe ee kooxdaas ee Joshu Kimmich.

Laakiin Neymar ayaa dhinaca kale qaba in qadarku uu isaga hor keenay Kimmich markii uu dabaaldegayay kaddib hadalkii kasoo yeedhay dhawaan xiddiga German-ka ah ee uu ku quudhsanayay awooda kooxda French-ka ah.

Walow ay xalay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Bayern kaddib goolkii Eric Chaupo-Moting, Paris Saint-Germain ayaa wareega afar dhammaadka ee Champions League gaadhay iyaga oo kusoo baxay sharciga goolasha.

Kimmich ayaa isku dayay inuu ciyaar maskaxeed la ciyaaro Paris kahor kulanka lugta labaad ee xalay isaga oo yidhi maalmo kahor “Sababtoo ah inaanu nahay kooxda fiican, waxaan aaminsanahay inaanu soo bixi doono”

Hadalkaas ayaa noqday mid uu dib u liqo Kimmich, kaddib markii ay dhammaatay ciyaartii xalay ayuu Neymar si waali ah ugu hor dabaaldegay xiddigaas isaga oo la dabaaldegayay saaxiibkiisa kooxda ee Leandro Paredes.

“Waa wax lagu qoslo sababtoo ah anigu umaan dabaaldegin si aan isaga u qaso, waxay in badan qusaysay Leo (Paredes) waxaanan ku dhammaystay aniga oo isaga la dabaaldegaya, qadarka ayaa isaga (Kimmich) ii dhaweeyay”

“Waxa uu sheegay inay kooxdoodu naga fiican tahay, inay guuleysan doonaan, waxa uu ahaa mid huba inay Semi-final-ka usoo bixi karaan”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*