Falastiiniyiinta Oo Ku Farxay Go’aan Cusub Oo Ay Qaadatay Barcelona & Sharraxaadda Waxa Uu Ku Sallaysan Yahay

Xidhiidhka kubaddacagta Falastiin ayaa farxad kusoo dhoweeyey go’aan cusub oo ay qaadatay Barcelona, kaas oo ah inay ka laabato go’aan hore oo ay xataa ka mudaharaadeen.

Kooxda reer Spain ayaa ku dhowaatay inay lumiso taageereyaasheeda Falastiin iyadoo ka farxinaysa Yuhuudda oo ay waliba u hiilinaysay, laakiin go’aankaas ayaa hadda ay ka noqotay, waxaana farxad iyo rayn-rayn kusoo dhoweeyey Falastiiniyiinta.

Barcelona1

Barcelona ayaa qorshaheedu ahaa in ay kusoo ciyaarto magaalada Barakaysan ee Quddus ee ay xoogga ku qabsadeen Yuhuuddu marka ay taariikhdu tahay August 4, laakiin kooxda ayaa joojisay ciyaartaas kaddib markii ay cadho badan ka hor keeneen shacabka Falastiin.

Blaugrana ayaa ka dalbatay kooxda Yuhuudda ah ee ay ballansanaayeen in ay beddesho garoonka iyo magaalada lagu ciyaarayo intaba, isla markaana aanay ugu tegaynin magaalada Quddus, laakiin kooxda Yuhuudda ayaa diidday inay beddesho, taas oo keentay in Barcelona ay gebi ahaanba kansasho ciyaartaas.

Madaxa xidhiidhka kubadda cagta Falastiin ee Jibril Rajoub ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Barcelona waxa uu ku amaanay go’aanka ay qaateen.

“Xidhiidhka kubadda cagta Falastiin wuxuu ku faraxsan yahay go’aanka Barcelona ee ah inay ixtiraamto xuquuqda PFA iyo malaayiin taageereyaal ah oo ku faraxsan.” Ayuu Jibril Rajoub ku yidhi warqadda uu u diray Barcelona.

Moshe Hogg oo ah mulkiilaha kooxda Beitar Jerususalem ee ay Barcelona wada-ciyaari lahaayeen ayaa sheegay in aanay kooxdiisu bilaabin u diyaar-garowga ciyaartan kaddib markii ay Barcelona codsatay in magaalo kale loo raro kulanka.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

5 Fekradood

  1. Waan kaxumahay dalalka islaamka iney unacamleynayaa iarael lkn micneheedu ma ahan Hadii israel latago in yuhuud lanoqonaayo taasi yey idinka hoosbixin

  2. Anigaa israel qoxooti ku ehee naweydii
    Inaad yuhuud noqoto waxay kuxirantahay Hooyadaa iney Yuhuud tahay
    Sidaa darteed qofkii meeahaas taga manoqonaayo yuhuud ee waa meel dadka karishtaanka ey tagaan

  3. Halkaan waxaa booqday hogaamiyaha diinta Masiixiga Pop francis isagane waxaan leenahay waa Yuhuud waa cajiib inaadan waxba kala garaneynin

    • Horta meeshaan ma jiro dhul ay yuhuud leedahaye oo lagula dheelayo, ee waa dhul ay xoog ku haysato, Waa sida anoo gurigaaga kaa haysta qofkii iiyimaada ee igula noolaada saacado waxay kaaga dhignaanaysaa in uu reaali iiga yahay gurigaaga oo inaan leeyahay uu ayidsanyahay, Taas oo kale Israa’iil state bay leedahay dhulka ay dib usii qabsatayna cid kula dheeli karta ama kula kulmi karta waa cid uogolaatay inay leedahay…

      • Xaqiiqda ayaad kahadashay sxb nuxurka sheekadan adiga lee fahmay dadkan qaar waxey uheystaan in ku ciyaarista Israel ay tahay dhibka jiro

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*