Muxuu U Sheegay? Sir Alex Ferguson Oo Booqday Ciyaartoyda PSG Ka Hor Kulanka Manchester City Ee Caawa?

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa booqasho ugu tegay ciyaartoyda PSG ka hor kulanka caawa ay la ciyaari doonaan Manchester City.

Sir Alex Ferguson ayaa tegay Lowry Hotel oo ku yaalla duleedka Old Trafford oo ay deggan yihiin ciyaartoyda PSG, waxaana lagu sawiray isagoo ag-maraya baaska kooxda reer France ay caawa ku tegayaan garoonka Etihad Stadium ee ay ka dhacayso ciyaartu.

Ciyaaryahannada PSG ayaa la dejiyey Lowry Hotel oo ay isticmaalaan ciyaaryahannada Manchester United, isla markaana uu sannado badan Sir Alex Ferguson kusii nasan jiray ka hor inta aanu gelin Old Trafford.

Albaabka laga galo Hotelka oo uu yaallo baska PSG ayay Sir Alex Ferguson kula kulmeen sawir-qaadeyaal, waxaana ka muuqatay in uu dhoola-caddaynayay, laakiin lama sheegin haddii ay kulmeen ciyaartoyda PSG.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa, in Sir Alex Ferguson uu la kulmay tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino oo ku sugnaa hotelka, ayna wada qaateen waqti kooban oo ay kaga sheekaysteen xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya.

Wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester ayaa waxa uu sheegay in gebi ahaan Lowry Hotel ay wada kiraysatay PSG oo aanay cidina la wadaagin, sidaas darteedna ciddii timaadda ay kaliya noqonayso shaqsiyaad loo ogol yahay in ay ciyaartoyda iyo tababaraha la kulmaan.

Khelaifi oo loo magacaabay madaxa Ururka kooxaha Yurub kaddib markii uu fashilmay Super Legue ayaa sidoo kale qayb ka ah safarka kooxda ee magaalada Manchester.

Amaanka garoonka ayaa la adkeeyey maadaama Axaddii ay mudaharaadeyaal albaabadiisa xidheen xilli ay ciyaartoyda Manchester United ku sugnaayeen, sidaasna ay ku baajiyeen kulankii Liverpool.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

  1. Caawa kooxda aan taageero ee mancity waxan u rajeynaya guuul iyo farxad ay finalka ku garan sidana waxa ugu niyad samahay 30 sano oo ay liverpool Epl la eyd wey ku guuleysteen cityna waa in ey tariiq cusub u dhigtaa dhigeeda PSG

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*