Muxuu Jose Mourinho Ka Yidhi Shaqada Cusub Ee Saxaafadda Ee Uu Bilaabay?

Jose Mourinho ayaa warbaahinta hor yimid markii ugu horreysay tan iyo shaqo ka caydhintii ay Tottenham ku samaysay toddobaad ka hor, waxaana uu markan caddeeyey in naftiisa iyo kubadda cagtu ay isku xidhan yihiin oo aanu ka fogaan karaynin.

Tababaraha reer Portugal ayaa 17 bilood oo uu ahaa macallinka Tottenham, waxa uu la kulmay dhalleecayn inta ugu badan loogu jeedinayay qaab ciyaareedkiisa ku dhisan difaaca iyo in uu lumiyey kubaddii quruxda badnayd ee ay kooxdaasi soo bandhigi jirtay.

Wax ka yar laba toddobaad, ayuu kasii maqnaa shaqada Tottenham, laakiin maanta ayaa la shaaciyey in uu saxeexay heshiis shaqo oo uu u sahaxeexay warbaahinta talkSPORT oo uu ku yeelan doono barnaamijyo uu ku tabiyo kulamada tooska ah, waxaana uu shaqada ugu badan qaban doonaa tartanka qaramada qaaradda Yurub ee bisha June ka bilaabmi doona 11 magaalo oo qaaraddaas ku yaalla.

Sidii aanu maanta idiin soo gudbinay, Mourinho ayaa waxa kale oo uu baahin doonaa barnaamijka ‘Ku Qureeco Ciyaaraha’ oo talkSPORT ay sii dayso, falan-qayn kulamada dhexdooda ah iyo xataa barnaamiyo kale.

Jose Mourinho ayaa ka hadlay shaqadan cusub ee uu bilaabay ee ah wariyenimada, waxaana uu yidhi: “Maadaama aan ahayn nin kubadda cagta ah, mar walba waxa aan raadinayaa kubadda cagta.

“Aad ayaan u danaynayaa shaqada cusub sababtoo ah waxa aan rumaysanahay in ay noqon doonto wax cusub oo cajiib ah. Waxa aan gebi ahaanba ku mashquulsanaa kubadda cagta, waxa aan jecelahay in aan ka shaqeeyo. Waqtigan, muddo toddobaad ah ayaanan shaqayn, waxaan durba dareemayaa in aan u darsaday. Aynu wada raaxaysano.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*