Muxuu Jose Mourinho Ka Yidhi In Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee AS Roma Maalmo Kaddib Caydhintii Tottenham?

Jose Mourinho ayaa warbaahinta la hadlay waxyar kaddib markii ay AS Roma u magacowday tababaraheeda cusub, isagoo beddeli doona Paulo Fonseca oo kooxda ka tegaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo Roma uu ku maamuli doono illaa sannadka 2004.

Tababaraha reer Portugal ayaa sheegay in kulan uu la qaatay mulkiileyaasha Roma ee Frienkin Family iyo guddoomiyaha kooxda ay isla qaateen in uu noqdo tababaraha, isla markaana ay isla qeexeen ahdaafta iyo ujeeddooyinka ay doonayaan in ay wada gaadhaan.

Mourinho ayaa yidhi: “Waad mahadsan tihiin qoyska Friedkin (mulkiileyaasha Roma) in aad aniga ii doorateen in aan hoggaamiyo kooxdan weyn iyo in aan qayb ka noqdo hankooda.

“Kaddib kulamo aanu wada qaadanay mulkiilaha iyo Tiago Pinto (maamulaha guud ee Roma), waxa aanu isla markiiba isla fahamnay damacyada iyo hiigsiga AS Roma. Waa isla hiigsiga iyo damaca guuleed ee aniga mar walba i dhiirigeliya, waxaananu wada-jir u doonaynaa in mashruucani guuleysto sannadaha soo socda.

“Samirka cajiibka ah ee taageereyaasha Roma ayaa igu qanciyey in aan ogolaado shaqadan, mana sugi karayo inta uu xilli ciyaareedku bilaabmayo.

“Sidoo kale, waxa aan nasiib wanaagsan u rajaynayaa paulo Fonseca (tababaraha shaqada ka tegaya), waxaanan rajaynayaa in warbaahintu ixitraami doonto, aniguna mar kale ayaan faahfaahin badan bixin doonaa. Daje Roma!”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*