Mushaharka Ciyaartoyda Manchester United Oo La Shaaciyey & Halka Uu Jadon Sancho Kaga Jiro

Mushaharka ciyaartoyda Manchester United ayaa la shaaciyey kaddib markii ay kooxdaasi lasoo saxeexatay xiddiga reer England ee Jadon Sancho, kaas oo ku biiraya xiddigaha gunnada ugu badan ay United siiso.

Red Devils ayaa shalay shaacisay inay heshiis mabda’ ah la gaadhay Jadon Sancho, sidoo kalena ay kooxdiisa Borussia Dortmund wada gaadheen heshiis ay laacibkan ku kala iibsanayaan oo qiimihiisu yahay £73 milyan oo Gini, taas oo ka dhigaysa ciyaartoygii labaad ee Ingiriis ah ee abid ugu qaalisanaa ee la kala iibsado.

Manchester United

Sancho ayaa toddobaadkii mushahar ahaan u qaadanaya lacag gaadhaysa £350,000 Gini waxaanu noqonayaa ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan Manchester United, waxaana kaliya ka horreeya goolhaye David de Gea oo toddobaadkii u xaadira lacag gaadhaysa £375,000 Gini.

Paul Pogba ayaa kaalinta saddexaad ku jira oo heshiiskiisa hadda ee sii dhamaanaya uu ku helo £290,000 Gini, halka labada ciyaartoy ee Anthony Martial iyo Edinson Cavani ay isku mid yihiin oo ay qaataan min £250,000 Gini.

Marcus Rashford, Harry Maguire iyo Bruno Fernandes ayaa toddobaadkii xoogsada £200,000, £190,000 iyo £180,000 Gini sida ay u kala horreeyaan.

Luke Shaw ayaa isaguna ka mid ah tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan, waxaanu xisaabtiisa ku dhacda toddobaadkii £150,000, halka Fred oo ku xigaa uu qaato £120,000

Halka ciyaaryahannadani ay lacagta intaas le’eg ka qaadanayaan, Scott McTominay oo khadka dhexe ka ciyaara, kana mid ahaa laacibiintii xilli ciyaareedkii hore bandhigga heerka sare ah sameeyey, waxa uu toddobaadkii helaa mushahar gaadhaya £20,000 Gini oo kaliya, taas oo ku dhowaad labaatan jibbaar ka  hoosaysa inta uu qaato David de Gea.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Manchester United

28. Pellistri        – £19,231

27. McTominay     – £20,000

26. Tahith Chong – £20,000

25. Dalot – £25,000

24. Pereira   – £30,000

23. Daniel James – £45,000

22. Tuanzebe       – £50,000

21. Williams         – £65,000

20. Lingard          – £75,000

19. Phil Jones     – £75,000

18. Greenwood  – £75,000

17. Wan-Bissaka – £90,000

16. Alex Telles   – £93,077

15. Henderson   – £100,000

14. Van de Beek  – £120,000

13. Juan Matic  – £120,000

12. Victor Lindelof   – £120,000

11. Fred – – £120, 000

10. Luke Shaw (- £150, 000)

9. Eric Bailly – £180, 000

8. Bruno Fernandes – £180, 000

7. Harry Maguire – £190, 000

6. Marcus Rashford – £200, 000

5. Edinson Cavani – £250, 000

4. Anthony Martial – £250, 000

3. Paul Pogba – £290, 000

2. Jadon Sancho – £350, 000

1. David De Gea – £375,000

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*