Miyuu Saul Shaqsiyan Doonayaa Inuu Atletico Ka Tago Oo Uu Barcelona Ku Biiro? Akhriso Xogtan Yaabka Leh

Sida ay sheegayaan xogo cusub oo xasaasi ahi, khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay isaga caydhinayso isla markaana ku qasbayso inuu baxo.

Barcelona iyo Atletico ayaa ah kuwo ku jira wadahadalo meel fiican maraya oo ay isku dhaafsanayaan saxeexyada Saul iyo Antoine Griezmann.

Image

Barcelona ayaa aad u doonaysa inay dhinto mushaharaadka ay bixiso waxaana ay rabaan inay meesha ka saarto Griezmann oo haatan ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda kaddib markii uu dhacay heshiiskii Lionel Messi.

Saul oo 26 sano jir ah ayaa waayihiisa ciyaareed oo dhan kusoo qaatay Atletico Madrid isaga oo kulankiisii ugu horreeyay sanadkii 2012 usoo ciyaaray.

Xiddigan ay jamaahiirtu jecel yihiin ayaa 337 kulan usoo ciyaaray Atletico Madrid isaga oo kula soo guuleystay laba horyaal, Copa Del Rey iyo laba Europa League.

Xilli ay sii xoogaysanayaan wararka la xidhiidhinaya Barcelona, jamaahiirta Atletico Madrid ayaa kusoo xoomay xerada tababarka kooxda si ay ula hadlaan isla marka uu kasoo dego baska kooxda,

Kaddib wicitaanka jamaahiirta, Saul ayaa u dhaqaaqay dhinacooda si uu ugu saxeexo maaliyado dhawr ah, nin kamid ah shaqsiyaadka meesha ku sugnaa ayaa ku yidhi “Halkani waa gurigaaga, joog”

Sida uu sheegayo wargeyska El Desmarque, ciyaaryahanka ayaa bixiyay jawaab muujinaysa inuusan isagu shaqsiyan qasbayn in Barcelona uu ku biiro waxaana uu yidhi “Halkan way iga caydhinayaan”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*