Miyey UEFA Shari U Haysataa In Ay Real Madrid Ka Saarto Tartanka Champions League Ee Semi-finalka Ay La Ciyaarayso Chelsea?

Jamaahiirta Real Madrid ayaa wadnaha farta ku haya iyadoo uu soo dhowaaday Jimcihii ay UEFA shir degdeg ah iskugu imanayso si ay go’aan uga gaadhaan, ciqaabna ugu soo rogaan kooxaha wali kusii dhegsan in ay ka mid yihiin tartanka European Super League oo maalmo gudahood ku fashilmay.

Madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa Arbacadii ku hanjabay in Real Madrid ay ka saari doonaan tartanka Champions League, isagoo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey kulanka semi-finalka ee ay Chelsea wada ciyaari doonaan toddobaadka dambe.

Si xayiraadda uu sheegayo ay u meel-marto, Ceferin ayaa u baahan in go’aamadiisa lagu ansixiyo kulanka Jimchaa ee xubnaha guddida fulinta uu sida degdegga ah iskugu yeedhay.

Laakiin sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, UEFA awood sharci uma laha in ay Real Madrid ka ganaaxdo tartanka Champions League ee ay semi-finalkiisa usoo gudubtay, waxaanay kooxda reer Spain ciyaari doontaa wax kasta oo ay UEFA samayso.

Guddida Anshaxaha UEFA ee diyaarinaya ciqaabaha suurtogalka ah ee ay marsiinayaan Real Madrid, Barcelona iyo Juventus oo wali kusii dheggan Super League inkasta oo Madaxweynaha Juve uu tibaaxay in qorshihii fashilmay oo aanu sii soconayn, haddana si kasta oo ay iskugu dayaan u heli maayaan awood sharci.

Waxa kale oo wargeysku sheegay in aanay jiri karin tallaabo kasta oo ciqaab ah oo ay UEFA qaadi karto, haddii ay isku dayaanna ay markaaba go’aankooda laali doonto maxkamadda CAS ee garsoorka khilaafaadka ciyaaraha.

“Ma jiraan qodobbo sharci oo sal u noqon kara xayiraado, xataa haddii taariikhda dib loo dhigo.” Sidaas ayuu yidhi wargeysku.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*