Miyay Liverpool Caawa Aargoosi Ugu Socotaa Real Madrid? – Jurgen Klopp Oo Faah-Faahin Bixiyay Kahor Kulanka La Sugayo

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay haddiiba ay muhiimadooda koowaad tahay inay kasoo aarsadaan caawa dhigooda Real Madrid oo ay marti ugu yihiin magaalada Madrid kulan ka tirsan wareega siddeeda ee Champions League.

Kulanka caawa ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee ay labada kooxood kulmaan tan iyo markii ay isku arkeen Final-ka Champions League sanadkii 2018 markaas oo ay Los Blancos 3-1 koobka ku qaadeen.

Image

Liverpool ayaa meel iska saartay guuldarradaas ay kula soo kulmeen magaalada Kiev iyagoo sanadkii xigayba Final-ka tartanka kaga guuleystay Tottenham ciyaar isla Madrid ka qabsoontay.

Iyadoo hadda ku dhawaad saddex sano laga joogo habeenkaas ayuu tababare Klopp shaaciyay in kooxdiisu aysan ka fikirayn wax aargoosi ah balse ay fiicnaan lahayd haddii ay ka gudbaan.

Jurgen oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka ayaa yidhi “Anagu halkan safar aargoosi uma joogno, noloshu waa sidan oo kale, anigu wax badan ma aaminsani aargoosiga laakiin way fiicnaan lahayd inaanu gudubnaa”

“Waxaanu dareemaynaa inaanu wakhti fiican kaga jirno Premier League hadda waxaanu rajaynaynaa inaanu sii wadno dhaqaaqa, taasi waxay noqon doontaa mid aad u caawimo badan”

“Dhiirigelintayadu waxay joogtaa heerka ugu sarreeya sababtoo ah waa Champions League waxaananu doonaynaa inaanu wareega xiga gaadhno, waxba kulankii 2018 kagama xidhna”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*