“Miyaad Doonaysaa Ku Guuleysiga Ballon d’Or?” – Jorginho Oo Weydiintan Miisaanka Culus Warcelin Ka Bixiyay

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Talyaaniga ee Jorginho ayaa sheegay inuu doorbidayo guul wadareed halkii uu si lama filaan ah tartame ugu noqon lahaa abaalmarinta Ballon d’Or oo uu saaxiibkiisa xulka ee Lorenzo Insigne ku daray shaqsiyaadka u qalma.

Insigne oo saxaafada la hadlay kaddib markii Talyaanigu ay wareega siddeeda ee Euro 2020 u gudbeen isla markaana ay guul 2-1 ah ka gaadheen Austria ayuu ka hadlay 29 sano jirkaas iyo muhiimada uu u leeyahay xulka Azzuri.

nZuL6eao?format=jpg&name=small

Jorginho ayaa ilaa haatan aad usoo caawiyay xulka Talyaaniga kahor kulanka adag ee ay wareega siddeed dhammaadka Belgium kaga hortagayaan isaga oo sii wada qaab ciyaareedkii heerka sarre ahaa ee uu Chelsea kaga soo caawiyay hanashada Champions League.

Jorginho oo waraysi laga qaaday kahor kulanka ay Jimcaha habeen dambe ah la ciyaarayaan Belgium ayaa sheegay inuusan ka fikirayn guulo shaqsi ah ee uu ka fikirayo guul wadareed.

Jorgi oo la weydiiyay wax ku saabsan Ballon d’Or ayaa yidhi “Anigu kama fikiro iyada (Ballon d’Or), waxkasta oo dhacayaa waa natiijada ka dhalatay hawl-karnimo”

“Muhiimadayda koowaad waa kooxda (Xulka) iyo inaan la dabaaldego xiddigaha aanu isku kooxda nahay iyo asxaabtayda, taas ayaa ka qurux badan in badan in kali la dabaaldego”

Xulka Talyaaniga ayaa kahor tagaya Belgium iyaga oo ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa maadaama oo ay 31 kulan oo xidhiidh ah guuldarro la’aan yihiin waana xog rekoodh u ah qarankaas.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*