Mikel Arteta Oo Shaaciyay Xiddig Arsenal Ah Oo Seegaya Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka

Tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in daafaca bidix Kieran Tierney uu seegi doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac soo gaaray.

Xiddiga reer Scotland ayaa dhaawac jilibka ah ku baxay kulankii ay Arsenal guuldarro 3-0 ka soo gaartay Liverpool Sabtidii la soo dhaafay.

Kulankii xlaay, Granit Xhaka ayaa laga ciyaarsiiyay booska daafaca bidix iyadoo Arsenal ay 3-0 kaga badisay kooxda Sheffield United.

Arteta ayaa la dhacay qaab ciyaareedka Xhaka uu ku soo bandhigay booska daafaca bdiix isagoo soo jeediyay in xiddiga reer Switzerland uu booskaan ka dheeli doono waqti badan.

Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xilli ciyaareedkii Tierney uu soo dhamaaday.

“Xhaka waxa uu qabtay shaqo gaar ah kulankii maanta sababtoo ah wuxuuna soo bandhigay tayada uu leeyahay isagoo celiyay wixii ay isku dayayeen Sheffield United.” ayuu yiri Arteta.

“Waa farxad in lala shaqeeyo isaga sababtoo ah haddii ay weydiisato inuu ka ciyaaro booska No.9, wuxuu ku leeyahay ‘haye, shaqadeyda ugu fiican ayaan qabanayaa’. Waa kaa ciyaaryahanka aad rabto.

“Maanta waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xoogan, wuxuu ina siiyay doorasho kale.

“Kieran Tierney waa uu maqan yahay, wuxuu maqnaanayaa inta ka harsan xilli ciyaareedka sidaasi darteed waxaan dooneynaa xiddigo ka ciyaari kara booskiisa, Xhaka ayaana ka mid ah.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*