Mikel Arteta Oo Naxdin Ku Riday Jamaahiirta Arsenal & Dhaawacyada LABA Xiddig Oo Ay U Jabi Karaan Oo Uu Shaaciyay

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay la kulantay dhib cusub kaddib markii ay dhaawacyo gaadheen labada daafac ee kooxda ee David Luiz iyo Kieran Tierney.

Kaddib markii ay xalay guuldarro kale oo culus kala kulmeen Liverpool isla markaana uu arkay gaabiska xilli ciyaareedka ee kooxdiisa oo heerkale gaadhaya ayuu Arteta dhinaca kale qirtay inuusan ogayn heerka halista dhaawacyada Tierney iyo Luiz.

Tierney ayuu gaadhay dhaawac jilibka ahi intii uu socday kulankii ay kaga hortageen Liverpool xalay halka Luiz oo kulankaba seegay uu isaguna mudo bil lagu qiyaasay maqnaan karo.

Iyadoo labada kooxood ay yihiin kuwo bar-bardhac goolal la’aan ah ku jira qaybtii dambe isla markaana wakhtigii nasashada la gelayo ayuu Tierney bedel ku baxay kaddib jug ku gaadhay markii ay isku dhaceen James Milner.

Xiddiga Scottish-ka ah oo kamid ahaa sumadaha kooban ee wanaaga sheegaya ee Gunners xilli ciyaareedkan laga dhex arkayay ayaa awooday inuu isaga oo socda ka baxo garoonka.

“Isagu wax ayuu ka dareemay jilibkiisa waxaana uu ahaa mid xanuun dareemaya, wuu dhaawacnaan doonaa laakiin ma garanayno mudada” ayuu yidhi Arteta shirkiisii jaraa’id ee kulankii kaddib.

Dhinaca kale Arteta oo ka hadlaya Luiz oo isaguna jilibka wax ka qaba ayaa yidhi “Waxa jira suurogalnimooyin yar-yar, waxaanu la hadlaynaa dhakhaatiirta si aanu u samayno go’aanka saxda ah, waxay u muuqataa inuu dhawr toddobaad maqnaan doono, waxay ku xidhnaan doontaa go’aanka aanu gaadhi doono”

Dhaawacyada Tierney iyo Luiz ayaa noqon kara kuwo saameeya sida uu kusoo dhammaanayo xilli ciyaareedka Arsenal gaar ahaan hammigooda ah ku guuleysiga UEFA Europe League oo ay wareega 8-da u joogaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*