Mbappe, Pogba, Ronaldo: Xiddigaha Waaweyn Ee Sida Xorta Ah Uga Tegaya Kooxahooda Sannad Kaddib

Maalintii ugu dambaysay bisha June ee shalay, waxa la diiwaangeliyey ciyaartooyo waaweyn oo xor ka noqday kooxahooda kaddib markii ay dhamaadeen heshiisyadoodu qandaraasyo cusubna lagu heshiin waayey.

Ciyaaryahannadan waxay qaarkood heshiisyo u saxeexeen naadiyo kale oo ay u wareegeen, kuwo kalena wali mustaqbalkooda may go’aamin. Xiddigaha mustaqbalkooda go’aamiyey ee kooxo kale u wareegay waxa ka mid ah Georginio Wijnaldum, Sergio Aguero, Ramos oo la xaqiijiyey inuu u saxeexay PSG iyo kuwo kale, halka xiddiga ugu weyn ee xorta ah xagaagan ee Lionel Messi aanu wali dhinac u dhicin.

Mbappe Ronaldo

20 sannadood oo uu joogay Barcelona, Lionel Messi ayaa markii u horreysay noqday koox la’aan, inkasta oo ay kooxdiisu rajo ka qabto inay sii xajisan doontana waxay xaqiiqadu tahay in aanu waqtigan gacanteeda ku jirin oo uu yahay ciyaartoy ka madax bannaan oo ay tahay inay dedaal dheeraad ah ka sameeyaan sidii ay ugu qancin lahaayeen in aanu ka tegin kooxda uu cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay.

Sidan oo kale, waxa la hadal hayaa xiddigo waaweyn oo sannad kaddib ka tegi doona kooxahooda iyagoo xor ah marka ay dhamaadaan heshiisyadoodu. Ciyaartoydan ayaa waxa ka mid ah Kylian Mbappe oo 22 jir ah, afar sannadood ka horna ay PSG kusoo iibsatay lacag ka badan 160 milyan oo Euro.

Laacibkan ayaa iska diiddan inuu qandaraas cusub saxeexo, kooxdiisuna ma ogola in waqtigan ay ku iibiyaan lacag yar oo jaban. Real Madrid oo lala xidhiidhinayo ayaa sugaysa in uu Mbappe si xor ah ugu soo wareego ama PSG ay ogolaato in uu lacag qiimihii ay kusoo iibsatay aad uga hoosaysa ku fasaxdo.

Mbappe oo kaliya maaha. Waxa jira ciyaartooyo kale oo waaweyn oo iyaguna gelaya sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraasyadooda, waxaana ka mid ah Varane, Pedri, Pogba iyo kuwo kale.

Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan ee xor ka noqonaya kooxahooda sannad kaddib haddii aanay qandaraasyo cusub saxeexin:

1. Kylian Mbappe (Value £144m)

2. Leon Goretzka (£63m)

3. Raphael Varane (£63m)

4. Pedri (£63m)

5. Paul Pogba (£54m)

6. Ansu Fati (£54m)

7. Eduardo Camavinga (£49.5m)

8. Paulo Dybala (£45m)

9. Ousmane Dembele (£45m)

10. Lorenzo Insigne (£43.2m)

11. Cristiano Ronaldo (£40.5m)

12. Marcel Sabitzer (£37.8m)

13. Niklas Sule (£31.5m)

14. John Stones (£27m)

15. Andre Onana (£27m)

16. James Rodriguez (£25.2m)

17. Angel Di Maria (18m)

18. Gareth Bale (£16.2m)

19. Luis Suarez  (£13.5m)

20. Cesar Azpilicueta (£11.7m)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*