Maxay Tahay Hanjabaada Uu Thomas Tuchel Hawada U Mariyay Man City Iyo Pep Guardiola Saacado Kahor Kulanka Labada Kooxood Ee Caawa?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa wacad ku maray in kooxdiisu ay maalinta uu bilaabmo xilli ciyaareedka dambe awoodeeda oo dhan iskugu geyn doonto sidii ay u ugaadhsan lahayd dhigeeda Manchester City oo u muuqata mid hanashada Premier League xilli ciyaareedkan gacanta ku dhigtay.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa ku dhaw ku guuleysiga dhammaan afarta koob ee ay ka qayb qaadanaysay iyaga oo gaar ahaan horyaalka 11 dhibcood ku haya.

Chelsea ayaa rajaynaysa inay ka dafirto City mid kamida afarta koob ee ay wada doonayso sanadkan marka ay labada kooxood fiidka caawa ku kulmaan gegida Wembley Stadium kulanka afar dhammaadka FA Cup.

Tuchel oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka labada kooxood ayaa sheegay inuu hadda jiro farqi weyn oo u dhaxeeya labada kooxood laakiin ay kooxdiisu horyaalka u tartami doonto xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha ree Germany ayaa yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Waa inaanu aqbalno inuu jiro farqi u dhaxeeya anaga iyo Manchester City

“Haddii aad eegto kulamada na dhex maray dhawrkii sano ee ugu dambeeyay waa inaanu aqbalno, laakiin waa inaanu aqbalno iyada oo aan naga dhigayn inaanu dareeno inaanu aad u yarnahay”

“Laga bilaabo maalinta koowaad ee xilli ciyaareedka dambe waanu ugaadhsan doonaa iyaga oo waxaanu isku dayi doonaa inaanu yarayno farqiga, Yurub waxa jira laba kooxood oo lagu dherersado (La isku qiyaaso), waa Manchester City iyo Bayern Munich”

“Ma aaminsani haddii aanu isku mid nahay iyo haddii kale, waxa jira farqi laakiin waxaanu aaminsanahay inaanu yarayn karno hal kulan kaasina waa bar-tilmaameedkayaga”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*