Maxay Ciyaartoyda Manchester United Sameeyeen Waqtigii Nasashada Ee Sababta U Noqday In Shan Gool Ay Dhaliyaan Qaybta Dambe?

Paul Pogba ayaa ka sheekeeyey wixii ay ciyaaartoyda Manchester United sameeyeen waqtigii nasashada kulankii ay xalay 6-2 ku garaaceen AS Roma lugta hore ee semi-finalka Europa League.

Manchester United ayaa qaybtii hore lagu lahaa 2-1, waxayse qaybtii dambe la timid shan gool, iyadoo barbarraysay rikoodh muddo 57 sannadood ah ay haysatay Real Madid.

Edinson Cavani ayaa laba gool dhaliyey qaybta dambe, waxaana rikoodhe raaciyey Bruno Fernandes ka hor intii aanu Pogba madax ku qabanin kubbad uu Bruno soo qaaday iyo Mason Greenwood oo goolka ugu dambeeya lugta midix ku dhaliyey.

Bandhiggan cajiibka ah iyo guushan weyn ayaa waxay ku timid wada-hadalkii ciyaartoyda Manchester United ee waqtigii nasashada ee qolka lebbiska, halkaas oo ay iskugu sheegeen waxa ka qaldan ee ay tahay in ay saxaan.

Paul Pogba oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaarta, ayaa sheegay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ciyaartoydiisa u sheegay in ay fudaydiyaan ciiyaartooda, isla markaana uu ku dhiirigeliyey dhamaan ciyaartoyda in ay raadiyaan goolasha ugu badan ee suurtogalka ah.

“Natiijadu waa mid togan, laakiin wali ma dhamaanin. Waa in aanu ciyaarta labaad ku dheelno feejignaan iyo isal maskaxdii kulanka hore.” Ayuu yidhi Pogba oo la hadlayay telefishanka BT Sports.

Isagoo sharraxayay wiqii ay waqtiga nasashada sameeyeen ee beddelay ciyaartooda, waxa uu yidhi: “Qaybtii hore waxa aanu samaynay laba qalad oo la nagaga dhaliyey laba gool. Laakiin waqtigii nasashada, waxa aanu is nidhi aynu samayno waxyaabaha saxda ah, ciyaarta fududayno. Tababaraha ayaa nala hadlay. Dhamaantayo waxaanu ku dhiiranay in aanu dhalino goolasha ugu badan ee suurtogalka ah.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*