Xiddig Manchester United Ah Oo Sidani U Dambaysay Markii Uu Galay Xayn-daabka Dagaalka Dhabta Ah

Waxa uu ku guul-darraystay in uu saldhigo garoonka Old Traffod iyo in uu si buuxda uga mid noqdo kooxda koowaad, waxaase uu ugu dambayntii isku qaaday in uu noqdo dagaalyahan dhab ah, isagoo galay xayndaabka dagaalka.

Ravel Morrison oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’yaraantoodii loo saadaalinayay in ay wacdaraha ka dhigi doonaan, ayaa xirfaddiisu kusoo dhamaatay qaab aan fiicnayn, waxaana uu ka baxay Old Trafford iyadoo aanu rumaynin hammigiisii ahaa in uu ciyaartoyda kooxdaas si rasmi ah uga mid noqdo.

Laakiin kooxo kale oo uu waqtiyo kusoo qaatay iyo heer ka hooseeya halkii uu filayay oo uu u ciyaaray, waxa ugu dambayntii uu ciyaaraha ka fadhiistay bishii January ee sannadkan isagoo u ciyaarayay kooxda reer Netherlands ee ADO Den Haag.

Ravel Morrison ayaa go’aansaday in uu u wareego xirfadda dagaalka dhabta ah oo uu ku biiro ciyaaraha MMA ee lagdinta, feedhka iyo laagga iskugu jira, waxaana tijaabadii ugu horreysay kasoo gaadhay jugo uu baraha bulshada kusoo bandhigay.

28 jirkan ayaa la ciyaaray Leroy Murphy oo ka mid ah xiddigaha UFC, waxaana inkasta oo aanay ciyaar caadi ah u ahayn oo ay tababar iyo is-tijaabin ahayd, uu haddana Ravel Morrison la kulmay jab iyo hoog, waxaana dhulka la dhacay Murphy.

Morrison oo Manchester United kulankiisii ugu horreeyey u saftay isagoo 17 jir ah, isla markaana ka tegay sannadkii 2012kii, ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sawir muujinaya gacanta oo xoq-xoqantay markii uu Murphy dhulka la dhacayay.

Ravel Morrison ayaa rajaynaya in uu ciyaaraha MMA si buuxda uga mid noqdo oo uu dagaallo dhab ah galo, iyadoo uu tababarkana haddaba si fiican u bilaabay.

Si kastaba, laacibkan ayaa bishii hore qabsaday warbaahinta kaddib markii ay soo baxday in uu kabaha ka xadi jiray ciyaartoyda Manchester United waqtigii uu u ciyaari jiray.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*