Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Premier League Iyo 14ka Kooxood Ee Loogu Tashanayey Naadiyada Samaystay European Super League?

Shir degdeg ahaa oo maanta ay yeesheen kooxaha horyaalka Premier League iyo maamulka sare oo ay ka maqnaayeen Manchester United, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Liverpool iyo Manchester City ayaa lasoo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray go’aamo.

Lixda kooxood ee waaweyn ee Ingiriiska ee Manchester United, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Liverpool iyo Manchester City iyo lix kooxood oo Talyaani iyo Spain ka dhisan ayaa toddobaadkan horraantiisii shaaciyey in ay samaysanayaan horyaal cusub oo sida Champions League ah oo loogu magac-daray European Super League, kaas oo loo arkay in uu burburinayo horyaallada kale.

Barcelona, Real Madrid, Atletico Madrid, Juventus, Inter iyo AC Milan ayaa ah lixda kooxood ee kale, iyadoo guddoomiyahooda cusub ee Super League na ay u doorteen Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Shirkii saaka ay iskugu yimaaddeen kooxaha Premier League ee 14ka ah oo ay ka maqan yihiin lixda sare ku xusan, uuna guddoominayay agaasimaha Premier League ee Masters, ayaa waxay si buuxda iskugu raaceen in ay kasoo horjeedsadaan tartankaas.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa lagu yidhi: “Premier League oo uu weheliyo FA, waxay maanta kulan la yeesheen kooxo, waxaanay ka wada hadleen saamaynta degdegga ee uu yeelanayo hindisaha Super League.

“14ka kooxood ee kulankaa joogay, waxay si wada jir ah oo xooggan u diideen qorshaha tartanka. Horyaalka Premier League wuxuu ka fiirsanayaa dhamaan tallaabooyinka la heli karayo ee lagaga hor-tegayo inuu hirgalo tartankaasi, sidoo kalena waxa lala xisaabtami doonaa saamiileyda lugta ku leh.

“Hoyraalku wuxuu sii wada doonaa in uu la shaqeeyo saamiileyda muhiimka ah oo ay ku jiraan kooxaha taageereyaasha, Dawladda, UEFA, The FA, EFL, PFA iyo LMA, si loo ilaaliyo maslaxadda ciyaaraha, isla markaana loogu baaqo in kooxaha lugta ku leh tartanka lasoo cusub ee la hindisay, in si degdeg ah ay uga laabtaan ku lug-lahaanshahooda.

“Maamulka Premier League wuxuu uga mahad celinayaa taageereyaasha iyo dhamaan saamiilayda taageerada ay toddobaadkan u muujiyeen mowduucan muhiimka ah. Falcelintu waxay muujisay nidaamkayaga furan iyo qiimaha ay kubadda cagtu u leedahay dadka.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*