Maxaa Ka Dhacay Horyaalka Waddanka Talyaaniga Ee Serie A Xalay & Shalay

Horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa laga diiwanageliyey dhacdooyin dareenno kala duwan u leh kooxaha waaweyn, kuwaas oo qaarkodo qaateen rajo-beel iyo quus halka kuwo kalena ay niyaddoodu sare ugu soo kacday si weyn.

Kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Inter Milan ayaa noqotay kooxda kaliya ee guul ka heshay naadiyadii ku tartamayay hoggaanka horyaalka, waxaanay 1-0 ku garaacday Bologna oo ay marti u ahaayeen.

Romelu Lukaku ayaa noqday farqiga u dhexeeyey labada kooxood oo uu ku kala saaray gool uu Inter Milan u dhaliyey daqiiqaddii 31aad ee qaybta hore, isagoo madax awood badan kubadda ku dhaafiyey goolhaye Federico Ravaglia.

Bologna ayaa ku fiicnayd kubbad haynta, isla markaana weerarro ku qaadday goolka Inter, hase yeeshee Nerrazzuri ayaa difaaca adkaysatay, halkaas goolna ku heshay saddexda dhibcood ee kulanka.

Tababare Antonio Conte oo ay kooxdiisu hal ciyaar ahi u hadhsan tahay ayay usoo carfaysaa guusha horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A oo ay Inter Milan ugu dambaysay xilli ciyaareedkii 2009-10 markaas oo uu Jose Mourinho u qaaday dhamaan koobabkii ay ku tartameen.

Iyadoo hal ciyaari ahi baaqi u tahay, Inter ayaa hoggaanka ku haysa siddeed dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreyso AC Milan oo kaalinta labaad fadhida, taas oo duhurnimadii Sabtidii ay Sampdoria barbarro wada galeen.

Milan ayaa lagaga horreeyey gool, hase yeeshee ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayuu Jens Petter Hauge  oo beddel kusoo galay u dhaliyey goolka barbarraha, sidaana waxay kaga badbaadeen guul-darro.

Dhinaca kale, Juventus ayay soo gaadhay jug weyn oo sabab u noqonaysa in ay ka quusato horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaanay barbarro ka tuugtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Torino.

Juventus ayaa lagala hormaray gool, waxaase u keenay barbarraha Chiesa ka hor intii aan mar kale laga dhalinin gool, hase yeeshee Cristiano Ronaldo ayaa qaybtii dambe hurdada ka toosay oo u dhaliyey goolka barbarraha.

Inter Milan ayaa horyaalka ku hoggaaminaysa 68 dhibcood waxaanay siddeed dhibcood ka horreysaa AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta, haysatana 60 dhibcood.

Atalanta ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Serie A, waxaanay yeelatay 58 dhibcood, taas oo ka dhigan in ay 10 dhibcood ka hoosayso Inter Milan.

Juventus oo sagaalkii horyaal ee ugu dambeeyey ku guuleysatay ayaa quus istaagtay xalay, waxaana barbarrihii ay galeen uu sababay in ay 12 dhibcood ka dambeeyaan Inter Milan oo hoggaanka haysa iyadoo horyaalkana sagaal ciyaarood ka hadhsan yihiin.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*