Maxaa Iska Beddelay Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool-dhalinta Horyaalka Premier League?

Tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa sidii hore loo filayay aanay u badnayn tirada goolasha ay ciyaartu dhalinayaan.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ayay goolasha Premier League ahaayeen kuwo aad u yar, iyadoo ay hoos usoo dhacayaan tirada goolasha lagu kala qaadayo kabta dahabka ah.

Xilli ciyaareedkii hore, waxa ku guuleystay weeraryahanka Leicester Ctiy ee Jamie Vardy oo dhaliyey 23 gool, waxaanu laba gool ka sarreeyey Danny Ings oo kaalinta labaad ku jiray, halka Mohamed Salah uu kaalinta saddexaad galay.

Sannadkii kasii horreeyey saddex abaal-marinood oo kab dahab ah ayaa markii ugu horreysay uu Premier League bixiyey, waxaana isku mid noqday Mohamed Salah and Sadio Mane iyo Aubameyang oo mid waliba dhaliyey 22 gool.

Sannadkan oo la filayay in goolashu intii hore ka badanayaan, waqti horena uu Mohamed Salah goolal badan dhaliyey ayaa intii dambe ay haleeshay abaar, sidoo kale Harry Kane ayay dhaawacyo soo gaadheen.

Iyadoo afar kulan oo kali ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, Harry Kane oo hoggaanka haya ayaa 21 gool dhaliyey, halka Salah uu 20 gool leeyahay, taasi waxya muujinaysaa in tartanka kabta dahabka ah lagu kala qaadi doono goolal aan wax badan ka badnaanayn intii xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey ee labada ahaa lagu kaal qaaday.

Kane iyo Salah oo min 21 iyo 20 dhaliyey, waxa kusoo xiga Bruno Fernandes oo 16 gool saxeexay, halka Heung-min Son iyo Dominic Calvert-Lewin ay dhaliyeen min 15 gool.

Halkan kaga bogo tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta oo aanay ku jirin goolashii Axaddii shalay la dhaliyey:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*