Maxaa Iska Beddelay Tartanka Gool-dhalinta Horyaalka Ingiriiska Kaddib Labadii Gool Ee Hary Kane & Midkii Salah Ee Ka Horreeyey?

Tartanka gool-dhalinta horyaalka waddanka Ingiriiska ayaa meel xaasaasi ah maraya, waxaana hoggaanka dheeraystay weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo laba gool dhaliyey Jimcihii.

Abaal-marinta kabta dahabka ah oo sannadkii hore uu qaatay dhaliyaha Leicester City ee Jamie Vardy ayaa waxa xilli ciyaareedkan loollanka ugu adag uu u dhexeeyaa Harry Kane oo meel dambe kasoo dhaqaaqay, shabaqana saaxiib la noqday iyo Mohamed Salah oo horraantii xilli ciyaareedka durduro ku socday balse uu xilli dambe goolku dafiray.

Hal-beegga xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey ee saddexda ahaa ay dirqiga ku dhaafayeen ciyaartoydu ee 20ka gool, ayaa durba sannadkan la dhaafay iyadoo horyaalkana illaa toddoba kulan ka hadhsan yihiin, waxaanay ciyaartoyda safka hore ku jirtaa ay fursad u haystaan in ay sii dheereeyaan tirada goolashooda.

Harry Kane, Mohamed Salah iyo Bruno Fernandes ayaa tartanka kabta dahabka ah ku xafiiltamayay usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana muddo bilooyin ah kaalinta koowaad ku jiray Mohamed Salah, laakiin hadda waxa ka sare maray Kane oo 21 gool dhaliyey.

Salah oo labaad ku jira ayaa dhaliyey 19 gool, halka uu Bruno Fernandes shabaqa taabsiiyey 16 gool.

Saddex ciyaartoy oo kale oo ku soo xiga ayaa dhaliyey min 14 gool, waana xiddigaha Everton, Leeds United iyo Tottenham ee Dominic Calvert-Lewin, Patrick Bamford iyo Heung-min Son.

Alexandre Lacazette ayaa soo cidhiidhsaday kaalinta toddobaad, waxaanu dhaliyey 13 gool, waxaana kusii xiga Ollie Watkins, Jamie Vardy iyo Ilkay Gundogan oo min 10 gool saxeexay.

Halkan kaga bogo kala-horreynta gool-dhalinta horyaalka Premier League:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*