“Mashruuca Super League Hore Ayuu U Soconayaa” – Mulkiilaha Koox Weyn Oo Yurub Ah Oo Wali Laga Fur-Furi La’yahay Inuu Ka Tanaasulo ESL

Mulkiilaha ahna guddoomiyaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ayaa u muuqda mid aan ka tanaasulayn aragtida ah in ay iskaga baxaan tartanka sida weyn looga soo horjeedsaday ee European Super League.

Agnelli oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka Super League ayay ka go’antahay inuu sii wado hirgelinta tartankaas walow ay habeenimadii xalay iskaga baxeen dhammaan lixda kooxood ee Premier League kaga jiray.

European Super League: Andrea Agnelli describes the 'BLOOD PACT' between the 12 founding members | Daily Mail Online

Agnelli ayaa sheegay inuu jiro xidhiidh dhiig ah oo mideeya kooxaha Yurub isla markaana uu ku rajo weyn yahay in European Super League uu guuleysan doono 100%.

Xalay ayay ahayd markii ay kubadda cagtu gashay xaalad qalalaase ah gaar ahaan mida England, jamaahiirta Chelsea ayaa soo bandhigay dareenkooda cadho iyaga oo banaanka Stamford Bridge ku dhigay banaan bax balaadhan.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga baxda Super League kahor inta aysan sidoo kale aragtidooda shaacin Man United, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham iyo ugu dambayn Chelsea oo iyadu ku mashquushay kulankii ay Brighton la lahayd.

Marka laga yimaado dhammaan kooxahaas ka dareeray Super League, guddoomiyaha Juventus ahna mid kamida awoodaha riixaya inuu hirgalo Super League ayaa sheegay inuu wali ku adkaysanayo in tartankaasi najaxi doono.

Andrea Agnelli oo aragtidiisa la wadaagay La Repubblica ayaa yidhi “Waxa jira dhiig isku haya kooxahayaga, mashruuca Super League hore ayuu u socdaa, 100% suurogalnimo uu ku guuleysanayo ayuu leeyahay, hore ayaanu u soconaa”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*