Markii Hore Kabtanimada Haddana Shaadhka!! Falkii Cristiano Ronaldo Ee Kaddib Kulankii Genoa Oo Sharraxaad Laga Bixiyey

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale dareen cadho leh muujiyey, waxaanu tuuray shaadhkiisa dhamaadka ciyaartii ay Juventus ku garaacday Genoa Axaddii, taas oo ay kasii horreysay in uu calaamadda kabtanimada dhulka ku tuuray kulamadii caalamiga ahaa ee  isreeb-reebka koobka adduunka ciyaar uu waddanka Portugal barbarro la galay Serbia.

Ronaldo ayaa inkasta oo ay kooxdiisu guuleysatay haddana aan faraxsanayn, waxaana uu garoonka ka baxay isagoo cadhaysan.

Dejan Kulusevski, Alvaro Morata iyo Weston McKennie ayaa goolasha u kala dhaliyey Juventus, iyagoo 3-1 ku karbaashay Genoa, waxaanay taasi ka caawisay in ay hal dhibic ka hooseeyaan AC Milan oo labaad ku jirta.

Sababta uu laacibkani falkan u sameeyey ayay su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo tahay, waxaana ficilkiisa lagu faalleeyey baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ah ee Talyaaniga.

Laakiin warar waqti dambe soo baxay ayaa sheegay in aanu Ronaldo shaadhka u tuurin cadho darteed, balse uu doonayay in uu siiyo mid ka mid ah wiilasha kubbadaha soo qabta.

Tababare Andrea Pirlo ayaa ciyaarta kaddib la weydiiyey waxa uu Ronaldo sameeyey, waxaanu si adag u difaacay xiddiga kooxdiisa, isagoo yidhi: “Waa wax iska caadi ah in uu doonayay in uu gool dhaliyo, gaar ahaanna ciyaarta oo la arkayay in aanay mararka qaarkood si caadi ah ku socon.

“Waa qayb ka mid ah doonista dadka guuleystay ee mar walba doonaya in ay calaamad ka tagaan.”

Sidee ayuu ahaa qaab ciyaareedka Ronaldo ee kulankii Genoa?

Inkasta oo aanu gool dhalinin, haddana bandhigga Ronaldo ee ciyaartani waxa uu ahaa mid fiican. Waxa uu qayb ka qaatay goolkii uu Morata dhaliyey daqiiqaddii 22aad isagoo kubadda birta ku dhuftay, mar walbana ahaa khatar.

Lix jeer ayuu toogtay goolka Genoa intii ay ciyaartu socotay, waxaanu ahaa ciyaartoyga ugu badan ee sameeyey toogasho intaas le’eg guud ahaan ciyaartoyda labada kooxood.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*