Mark Clattenburg Oo Magacaabay SHANTII Ee Ciyaartoy Ee Ugu Dhibaatada badnaa Intii Uu Garsooraha Ahaa

Garsoorihii hore ee Premier League ee Mark Clattenburg ayaa magacaabay shantii ciyaartoy ee ugu dhibka badnaa ee uu la kulmay intii uu ku jiray xirfadda garsoorka, gaar ahaan kulamada horyaalka Premier League.

Mark Clattenburg oo lagu tixgeliyo garsooreyaashii ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League soo maray, ayaa sannado ka hor ka fadhiistay shaqadan isagoo tegay waddanka Sucuudiga oo uu ka noqday Madaxa garsooreyaasha.

46 jirkan ayaa markii ugu horreysay xirfaddiisa ka bilaabay caawiye garsoor oo horyaalka heerka hoose ee Northern League, waxaanu marba soo kacayay darajo illaa uu ka yimid Premier League oo uu ka mid noqday garsooreyaasha loogu kalsoonida badan yahay ee loo dhiibo kulamada ugu adag.

Sannadkii 2004 ayuu si rasmi ah uga mid noqday garsooreyaasha horyaalka Premier League waxaanu ku jiray illaa laga soo gaadhayay sannadkii 2017kii oo ahayd waqtigii uu Sucuudiga tegay.

Dhacdooyinka ciyaareed ee ugu suntan taariikhda ee uu qabtay ama kulamada waaweyn ayaa waxa ka mid ahaa in uu ahaa garsoorihii hayey finalkii Euro 2016 iyo Finalkii Champions League ee 2017kii.

Si kastaba, Mark Clattenburg ayaa la weydiiyey in uu sheego ciyaartoydii ugu dhibka badnaa ee uu garsooreyaal u noqday, waxaanu markiiba lasoo booday halyeeyadii Manchester United ee Rio Ferdinand iyo Roy Keane.

Waxa kale oo usoo raacay weeraryahankii Liverpool ee Craig Bellamy oo inkasta oo uu afka hore ka ciyaari jiray haddana dhibaato badnaa, isla markaana aan u dhego-nuglaan jirin garsooreyaasha, taas oo uu ku darsaday in uu istuur-tuuri jiray.

Difaaca reer Portugal ee Pepe ayaa uu isagyuna ku jira liiska ciyaartoyda dhibka badnaa, waxaana waqtigii ay isla dhib muteen uu ahaa finalkii Champions League ee 2017kii.

Goolhayihii hore ee Arsenal ee Jens Lahmann ayaa noqday ciyaartoyga shanaad ee ugu dhibka badnaa, waxaana meelaha uu ku xumaa ay ahayd in ciyaartoyda uu ku dhibaatayn jiray xerada ganaaxa dhexdeeda, gaar ahaanna uu kaga istaagi jiray lugta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*