Mane, Salah Mise Firmino? Liverpool Oo Go’aamisay Midka Ay Ka Dirayso Anfield & Bedelkiisa Oo Ay Barcelona Ka Heleen

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo garabka weerar ee kooxdeeda ee Sadio Mane iyaga oo bedelkiisa u doortay dhigiisa Barcelona ee Ousmane Dembele.

Xilli ciyaareedkan ayaa mid qalbi jab leh ku ahaa Mane oo kaliya 12 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan halka uu sanadkan 2021 kaliya shan gool kasoo diiwaan gashaday iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay hubaal koobab la’aan ku dhammaysan doonto.

Barcelona: Ousmane Dembele reveals reason for great form

Warbixino cusub ayaa sheegaya in Liverpool ay diyaar u tahay inay iibiso 29 sano jirka ree Senegal xagaaga walow heshiiskiisa kooxda ay laba sano oo kale ka hadhsanaan doonaan markaas.

Sida lagu sheegay warsidaha ree Spain ee Fichajes, garabka Barcelona ee Dembele ayaa ah ciyaaryahanka ay Reds u doorteen inuu Sadio bedel u noqdo.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka France ayuu heshiiskiisa Camp Nou yahay mid kaliya hal sano ka hadhsay isaga oo aan wax qandaraas kordhin ah wali samaynin.

Dembele ayaa xilli ciyaareedkan 10 gool usoo dhaliyay Barcelona isaga oo u muuqda mid caawinaya kooxda tababare Ronald Koeman laakiin guud ahaan marnaba ma ahayn mid kasoo baxay wixii laga filayay markii kooxdaasi lacagta 122-ka Milyan ee pound ah kasoo bixisay sanadkii 2017.

Iyadoo Barcelona uu si adag u saameeyay xanuunka safmarka ah ee Korona Fayras isla markaana ay doonayso lacag ay kula wareegto weeraryahan dhexe ayay isku dayi karaan inay iibiyaan Ousmane.

Xiddigan 2018 kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa leh hab ciyaareed anfacaya midka tababare Klopp, waa ciyaaryahan xawaare dheereeya leh isla markaana xirfad ahaan sarreeya isaga oo saddexda boos ee afka horeba ka ciyaari kara.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*